“Somaliland Shirka Umay Tagin Iyadoo La Hagaajinayo Midnimadii Ee Waxay U Tageen…” Prof. Axmed. I. Samatar

0
585

Hargeysa(Geeska)-Prof. Axmed Ismaciil Samatar, oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah balse ka soo horjeeda aayo ka tashiga dadka uu ka soo jeedo, ayaa u muuqda inuu markii u horaysay dareemay inay Somaliland tahay dal ka madaxbanaan Somaliya, islamarkaana Somaliland iyo Somaliya ay yihiin laba dal oo abuuray midowgii lixdankii.

Prof. Samatar oo dalka Maraykanka ugu waramay weriye Cali Xaraare, ayaa wuxuu soo dhaweeyay ka qayb galka Somaliland ee shirkii Ingiriiska, waxaanu sheegay inaanay Somaliland shirkas u tagin midnimo dambe, “Warku siduu nagu soo gaadhay oo xogogal ahi wuxuu leeyahay madaxda Somaliland waxay u yimaadeen shirka maaha iyagoo ka qayb galaya sida loo soo hagaajinayo midnimadii Somalida oo iyagu waxay yidhaahdeen beri hore ayaanu goosanay inaanu dawlAxmed-Samatarad iyo umad gooniya noqono, laakiin waxay u yimaadeen arrimaha xeebaha ku saabsan iyo nabagelyada in laga wada hadlo oo ay qayb ku yeeshaan, laakiin haddana waa arrin qiimo leh inay madaxdii Somaliland shirkaas yimaadaan, guubaabaduna waxa weeye jamhuuriyadii Somaliya ee 1960 waxa abuuray laba gobol oo kala ah maxmiyadii Somaliland ee Ingiriiska iyo maxmiyadii Talyaaniga ee Somaliya,  waxaan qabaa haddii midnimadii la soo noolaynayo labadaasi inay si gooniya u sheekaystaan waa lagama maarmaan.”

Isagoo xaqiiqda ku sii dhawaanaya wuxuu yidhi  “Aniga iima muuqato in la yidhaahdo waxa la yahay 30 gobol ee hala isu yimaado oo halaga wada hadlo, waxaan qabaa taasu inaanay xaq ahayn oo taariikhda ku haboonayn, taariikhda dhabta ahi waxa weeye jamhuuriyadda Somalida waxa abuuray  laba wadan oo Somali ah oo kala ah British Somaliland iyo Italia Somaliland, labadaas dad madax ah oo ka wakiil ah oo karti leh oo dhulkoodii iyo degtmada ay ka imanayaan loo yaqaan inay yihiin dad runa oo dadka ka wakiil ahi inay iyagu isu yimaadaan oo dib ay ugu riyoodaan ugana wada hadlaan sida loo soo dhisayo midnimo cusub oo xaq iyo qawaaniin iyo jacayl iyo karti ku dhisan, taas ayuun baa lagu soo hagaajin karaa arirnta midowga, Somaliland taas ayuun bay ku soo noqon kartaa siday ila tahay, laakiin haddii lagu yidhaahdo waxaad Somaliland-eey tihiin  gobol ka mid ah 30ka gobo  la kala sheeganayo, u malayn maayo dadka Somaliland iyo madaxdodu inay ogolayaan, xaqna ilama ah inay tahay.”

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, wuxuu aad uga soo horjeestay aragtida dalka Somaliya muddooyinkan dambe ku soo badanaysay ee ay siyaasiyiin Somaliland diid ahina dhawaanahan u soo waarideen Somaliland oo ah in la sameeyo maamul goboleedyo, waxaanu aragtidaas ku tilmaamay mid aan lagu soo celin Karin midnimadii Somaliya.