William Hague Oo Qoraal Ka Qoray Midhaha Shirkii London

0
677

ukLondon (Geeska)- Xoghayaha arrimaha Ingiriiska William Hague ayaa cadeeyey in siyaasada Soomaalida u furan tahay dhamaan dadka ka horyimaada rabshadaha, sida dadka degan deegaamada Shabaab maamusho.

William Hague, ayaa qoraal uu ku qoray qaar ka mid ah wargeysyada dunida, oo uu kaga hadlay shirkii Ingiriisku toddobaadkii hore qabtay, oo aanu idiin soo turjunay ayaa wuxuu u qornaa sidan: “Wiigii hore, Ingiriisku waxay martigeliyeen shir caalami ah oo xaalada Soomaaliya ah, kana soo qeybgaleen madaxweynayaal, iyo madax sare oo metelayey ilaa 50 wadan iyo hay’ado, uu ku jiray xoghayaha Qaramada Midoobay, Ban-Ki Moon, raysal wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, iyo wufuud ka socday Soomaaliya/Somaliland.

Wakhtiga xukuumada Soomaaliya waa inuu dhamaada August 2012, wax muddo kordhin ahna waa inaanay jirin, ayaanu cadeynay. Shacabka Soomaaliya waa inay go’aansadaan qaabka hay’adahooda siyaasadeed mustaqbalka noqon doonaan. Siyaasaduna way u furnaan doontaa dhamaan inta rabshadaha ka horyimaada, oo ku jiraan goobaha xilligan shabaab maamusho.

Waxaan qaadanay go’aankii madaxda Afrika ee abuuritaanka guddi wadaag ah oo maamusha dhaqaalaha, si loo yareeyo musuqmaasuqa, oo dhaqaalaha gudaha iyo mucaawinada dibeddaba si cad loogu adeego ummada soomaaliyeed.

Maadama nabadgelyadu muhiim tahay, waxaan isla qaadanay inaan taageerno ciidamada Midowga Afrika oo la gaadhsiiyo meelo ka baxsan Muqdisho, si ay u caabiyaan halista shabaab ku hayso, qaraar qaramada midoobay waxa lagu go’aamiyey in la gaadhsiiyo ciidamadaa  17,731, oo qalab cusub oo ciidana loo keeno.

Waxaan isla qaadanay in la taageero degaamada xasiloonidu ka jirto, loona sameeyo sanduuq dhaqaale lagu xaliyo mushkiladaha gudaha, lagu abuuro shaqooyin cusub, iyo hawlaha bulshadu u baahan tahay, sidoo kalena taageerida horumarka dawladaha hoose. Xukuumada Ingiriisku waxay ku dhaqaaqday gargaar gaadhaya 23.5 million dollar, halka wadamo kalena talaabadaa qaadeen.

Shirka waxa lagu soo qaaday halista argagaxisada, oo mushkilad ku haya shacabka soomaaliyeed, gobolada, oo beesha caalamka, isla markaana la hakiyo dhaqdhaqaaqa argagaxisada ee dibeda iyo gudaha iyo ilahooda dhaqaale. Waxaan taageeraynaa xeerka garsoorka Soomaalida. Dhinaca budhcad badeedka waxaan dhisi doonaa xarun kulmisa la dagaalanka budhcad badeedka, waxaan raadsan doonaa madaxdooda, dilaaliintooda, iyo gargaarayaashooda si aan adhaxda uga jebino ganacsigaa. Waxaa la gaadhay heshiisyo in budhcadaa lagu xukumo gobolka ka dibna loo soo wareejiyo xabsiyo ku yaal.

Xaalka Soomaalida shirkan keliya kagama tegi doono, inkastoo aakhirka ay gacmaha soomaalida ku jiro mustaqbalkoodu, balse keligood way gaadhi kari waayeen, waana sababta aan shirkaa u qabanay, isla markaana u xusuusino dhamaan inta xasilooni darada iyo rabshadaha ku foogan, inaanay dhayasan go’aamadayada.”