Somaliland Oo Lagu Martiqaaday Shirka Qaabaynta Shidaalka Bariga Afrika

0
618

 Addis ababa, (Geeska/The Reporter)- Somaliland ayaa lagu casuumay kulan lagu magacaabay qaabaynta mustaqbalka ee shidaalka Afrika oo wadamada barriga Afrika iyo horjoogyaasha shirkadaha shidaalku  ku yeelan doona magaalada Nayroobi bishan.

Sida lagu daabacay jariidada The Reporter oo caasimada Itoobiya ka soo baxda, Dr Duncan Clarke, gudoomiyahSomaliland-Flaga shirkada Global Pacific and Partners, ayaa yidhi, “Wadamada Barriga Afrika waxay leeyahiin keyd shidaal iyo mid istaraajiyadeed, iyadoo dalalkaa sahamintoodu weli heer bilow taagan tahay, guulo fiicana qeybo laga gaadhay. Muhiimadu waa horjoogayaasha shirkadaha shidaalada oo saamayn ku leh korodhka suuqyada shidaalka iyo gaasta ee wadamadaa, hadalhaynta kheyraadka shidaal ee wadamadan ayaa meel sare maraysa, iyadoo heshiisyo cusub galay, shidaalo iyo gaas la soo saaray, oo maalgashi muuqda la gelinayo,”

Dr Clarke aya araaciyey, “Kulankani waxuu sahlayaa helitaanka heshiisyo cusub, iyo ballanqaadka sahamin dhinacyo badan, oo qaabayn doonta kor-u-kaca suuqa kheyraad ee gobolka iyo weliba dhismaha kaabayaashii la xidhiidhay, iyadoo muhiimada koowaad tahay, ibo-furka kheyraadka dhulka jiifa, ee mustaqbalka kheyraadka gobolka,”

kulankan saddexaad ee kheyraadka shidaalka iyo gaasta gobolka waxa ka soo qeybgeli doona wadamada ay ka mid yihiin, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, DRC, South Sudan, Ethiopia, Zambia, Eritrea, Somaliland, Seychelles, Madagascar iyo Mozambique.

kulankan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen wasaarada tamarta ee Kenya, hay’ada shidaalka qaranka iyo machadka shidaalka ee Barriga Afrika ayaa masuuliyiinta  khudbadaha ka soo jeedin doonaan waxa ka mid ah  Somaliland.  Guud ahaan kulankaa oo ay ka soo qeybgeli doonaan in ka badan 37 shirkado shidaal oo gobolka jooga ayey masuuliyiinta ka hadli doona ku jriaan madax ka socota  shirkadaha Total, Tullow Oil, ONGC, Anadarko, Afren, Cairn India, Apache, Sasol Petroleum International, Lion Petroleum, Africa Oil Corporation iyo kuwo badan oo ka hawlgala wadamadaa.

Shirkada Tullow Oil and Africa Oil ayaa natiijooyin dhiirigelin leh oo  keyd shidaal iyo gaas ka helay Itoobiya. Africa Oil aya asahamin ka wada deegaamada gobolka Ogaadeeniya, halka ay rajo ka qabto dooxada Omo oo shirkada Tullow Oil ku wada jiraan.