Afar Degmo Doorasho Oo Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Ah Go’aan Uu Soo Saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

0
471

 

Hargeysa (Geeska) – Afar Degmo Doorasho ayaa gudbiyey dacwad ka dhan ah warqad uu dhawaan soo saaray Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, taasi oo uu ku mamnuucay fadhiyada aan caadiga ahayn ee Goleyaasha Deegaanka.

Afartan degmo Doorasho oo qabsaday afar Garyaqaan ayaa Garyaqaan Sacad Yaasiin Maxamuud oo isagu ku hadlay afka Garyaqaanada wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa nala soo xidhiidhay degmo doorasheedyada Jamhuuriyadda Somaliland qaar ka mid ah ilaa afar degmo, oo ay Gabiley hoggaaminayso, kuwaas oo ka cabanaya warqad uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed kaga mamnuucay kal-fadhiyadooda anagoo ah afar qareen anigoo ah Garyaqaan Sacad Yaasiin Maxamuud ah, Garyaqaana Maxamuud Cabdiraxmaan Xaaji Nuur, Garyaqaan Mubaarik Maxamuud Cabdi iyo Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo), ay noo wakiisheen in dacwad dastuuriya uga furno si ay Maxkamaddu ugu iftiimiso warqaddaasi inay sharci tahay iyo in aanay sharci ahayn, Wasiirku ku mamnuucayo kal-fadhiyadaasi, in aan uga furno Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jahmuuriyadda Somaliland, sidaasna waxaanu u qaadanaya in aanu dacwadaas qareen uga noqono, degmo doorasheedyadaas nala soo xidhiidhay, ee ay Gabiley kow ka tahay si Maxkamaddu tafsiil sharci u soo saarto, oo warqaddaas sharciyadeeda ka sheekaynaya, anaguna waxaanu u bilaabaynaa dhaqaajinta dacwadii sida ugu dhakhsaha badan u arji uga xareeynayo, oo aanu u gudbino Maxkamadda Dastuuriga ah,warqadaas oo anaga iyo Golayaasha deegaankaba noola muuqata inay sharci daro tahay, in aanu Maxkamadda Dastuuriga ah uga furno”

 

Geeska.net/Hargeisa Office