Siyaasiga Jaamac-Shabeel Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ku Dhaliilay Qorshe La’aan

0
633

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay si toos ah u caddayso qorshaheeda dhabta ah ee ku waajahan xanuunka Coronaviruska, xilli uu xanuunkani ku faafayo dalka, waxaanu walaac ka muujiyey xaaladda nololeed ee Shacabka Somaliland ee xanuunkani raadka ku yeeshay.

Jaamac-shabeel, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Walaac faro badan baa jira, niyad jab soo waajahay Shacabkii baa jira, waxaana sabab u ah xanuunka Coronaha, waxaa jira Arday faro badan oo Waxbarashadoodii waayey, waxaa ka sii daran in intaas oo Macalin ay ku mushahar iyo shaqo waayeen, waxaa sidoo kale jira in intaas oo Meheradood la xidhay, Qorshe muuqda, oo rejo wanaagsan dadka galinaya ma aragno, ee luuqad la fahmi karo Xukuumaddu Dadkeeda ha kula hadasho, waxaa xusid mudan in Wasiirka Maaliyaddu uu dhawaan ka hadlay mashariico iyo lacago la dhimayo, ee Wasiirkana waxaan leeyahay luuqad waadaxi oo dadku fahmi karaan kumaad hadal ee si faah-faahsan u hadal, oo siday wax u jiraan iyo kharash walba halka lagu bixinayo sheeg”.

Mar uu ka hadlay tallooyinka Dhakhaatiirta ayuu yidhi “Tallooyinka dhakhaatiirta ha la qaato, oo is difaaca waxba inoo ma tarayo ee tallooynkaas Dhakhaatiirta ee ku saabsan xanuunka Koronaha ha la qaato, oo dhaqan ha laga dhigto”