Somaliland Oo U Jawaabtay Hadal Dawladda Soomaaliya Ku Sheegtay Inaan Loo Dhamayn Doorashadii Dhawaan Dhacday

0
585

Muqdisho (Geeska) – Wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Yurub Abiib Cabdi, ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Haweenka ee Dawladda Soomaaliya Xaabsade.

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Somaliland oo daba socota hadal ka soo yeedhay Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in Wasiirka Haweenka Soomaaliya aanay weli fahmin in Somaliland iyo Soomaaliya wakhti hore kala tageen isla-markaana Somaliland Madax-banaan tahay.

Wasiir ku-xigeen Yurub oo hadal ka jeedisay Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegtay in wasiirka haweenka Soomaaliya aanay masuul ka ahayn haweenka Somaliland “Soomaaliya iyo Somaliland shaqo iskuma laha, Soomaaliya waa waddan aanu mar hore kala tagtay, waxaan u arkaa (hadalka Wasiirka Haweenka Soomaaliya) in riyadii ay reer Soomaaliya ku riyoon jireen uun in gabadhaasi ay ka hadashay” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Way riyoonaysaa, malaha waxay u haysataaba in ay haweenka Somaliland wakiil ka tahay”

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegtay in wasiirrada haweenka  Soomaaliya aanay weli fahmin in Somaliland ay madax banaan tahay “Weli may fahmin in Somaliland ay tahay qaran madax-bannaan, marka murankii Soomaaliya ka jiray uunbay gabadhaasi ka hadashay” ayay tidhi, Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Somaliland, waxayna intaa sii raacisay in Somaliland tahay meel sharci leh, oo qofku wax dooran karo lana dooran karo, isla markaana Soomaaliya aanay ahayn meel doorasho lagu gali karo “Somaliland waa meel sharci leh oo dastuur leh, oo qaran ah, qofka muwaadin ka ahi waxna wuu dooran karaa waana la dooran karaa, kootada iyaga waxa ku kalifaya waa dhul nabadi aanay ka jirin, oo aan la odhan karin waa dowlad”

Hadalka wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Somaliland, ayaa yimid kadib markii Wasiirka Haweenka ee Dowladda Soomaaliya Marwo Xaniifa Xaabsade ay sheegtay in doorashooyinkii Somaliland aan loo dhamayn, maaddaama oo aanay dumar badani ku soo bixin doorashadii dhacday 31-ka bishii hore ee May, 2021.

Geeska.net/Hargeisa Office