Ma Dhabbaa, In Madaxweyne Muuse Biixi Uu Cabdikariin A. Mooge Gacan Ku Siinayo Siduu Maayarka Hargeysa U Noqon Lahaa ?

0
818

Haddii Mooge Uu Maayar ku noqdo Taageero Uu Madaxtooyada ka helo, dhaawac siyaasadeed ma ka soo gaadhi karaa Xisbiga uu ka soo baxay ee WADDANI ?

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Shalay gelinkii dambe kulan la yeeshay

Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo ah ka mid ahaa xubnihii golaha deegaanka ee dhawaan ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la kulmay Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo ay wehelinayeen Mudaneyaal kale oo ka mid ah kuwa u soo baxay Golaha deegaanka Hargeysa, ka dib markii uu Cabdikariin Axmed Mooge uu Shalay gelinkii hore qabtay Shir-jaraa’id, kaasi oo uu Walaac kaga muujiyey in la Xagal-daaciyo Damaciisa Maayarnimo isla-markaana uu Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa u diray baaq ah in la tixgeliyo Rabitaanka shacabkii ku doortay Codadka ka badan 26-ka kun.

Sidaasi darteed, Madaxweynaha oo baaqaasi ka jawaabaya, ayaa kulan ugu yeedhay Cabdikariin Axmed Mooge, waxaana kulankaa ka dib halkaa ka hadlay Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horayn halkaa ka hadlay, ayaa caddeeyey in muhiimadda koowaad ee xukuumaddu tahay in tartankii quruxda badnaa iyo doorashadii dalka ka qabsoontay aan la nashuushadayn, isla-markaana cid waliba xaqeeda hesho, waxana uu yidhi, “Waxaynu u baahan nahay in cid waliba xaqeeda hesho, haddii cid walba xaqeeda la siin waayo, wanaag ina dhex oolli maayo, waa tartan siyaasi ah oo doorasho, tartankaasna waxaynu u baahannahay inaynu dulqaadkiisii yeelano.”

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu sheegay “Calaf waa intii Alle qoray, had iyo jeer waxaynu u baahanahay inaynu ilaalino doorashadaa, wax badan baa Somaliland ahaan inoogu siyaadaya inaynu ilaalino doorashadaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Annagu waxaanu ku dedaalaynaa inay dariiq wanaagsan marto, dariiq Sharci ah marto, Cid walbana Xaqeeda la siiyo. Doorashadu Xamaasad bay leedahay, Dadkana Gadoodka waalla geliyaa ee yaan Dadka Gadood la gelinin..”

Madaxweynaha Somaliland,  Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna sharraxay ujeeddada uu u aqbalay Baaqii loo jeediyey, waxaanu hoosta ka xariiqay inuu garab taagan yahay aqlabiyadda codka shacabka “Imaatinkeenna maanta waxannu idiin ballanqaadaynaa xaqa aad leedihiin iyo doorashada aad ka cabateen, wax Alle iyo wixii xad-gudub iyo xaqdarro ah inaanu idin kala hawlgalno in waddadii saxda ahayd lagu soo celiyo, loona maro waddo sharci ah, baaqiinniina jawaabtiisu waxa weeye waannu idin garab taagannahay, wixii xuquuq ah oo doorashadaas, cod-bixintaas iyo miisaankaas aad sidataan ku leedihiin inaannu idin kala hawlgalno oo waddada xaqa ah ee dawga ah lagu soo celiyo, idinkana gardarro idiin qaadi mayno, waxaad xaq u leedihiinna anigu Madaxweyne ahaan waan idinla hirgelinayaa, kulankeenna maantuna jawaabtii baaqiinna ayuu ahaa.”

Ugu dambayn, waxa halkaa ka hadlay Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo Madaxweynuhu baaqiisa kaga jawaabay kulankaasi, waxaanu Cabdikariin ka Mahad-celiyey sida deg-degga ah ee Madaxweynuhu uga jawaabay baaqiisa “Madaxweyne waa kuu sharaf, Xukuumaddaadana waa u wanaagsan in baaqii naga yimid aad markiiba nooga soo jawaabto oo aad noo yeedho, waa sababta aad u tahay Madaxweynaha Qaranka, waa sababta aad u tahay Odayga Somaliland, intaana waan kaa filayey, waanan kaaga Mahad-naqayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu muujiyey in Madaxweyne Biixi uu aqbalay codsigiisa ah inuu kala shaqeeyo sidii uu u noqon lahaa Maayarka Hargeysa “Waanu ka Mahad-celinaynaa inaad na aqbashay, Shacabka reer Hargeysa ee codeeyay ee naga filaya inaanu u shaqayno oo aanu u dhisno Hargeysa cusub, iyagana waxa u khayr ah, u wanaag ah in Ilaahay siiyey Madaxweyne Ixtiraamaya oo dhegaysanaya baaqooda, taasina waa sharaf, markaa Dadkii na doortayna sidaas ha u ogaadaan, markaa haddii Alle yidhaahdo Madaxweyne inta hadhay waanu kula fadhiisan, waanu kula dhamayn, waanu ogol lahay inay sharciga marto.”

Dhinaca kale, Inkasta oo aan si Cad Madasha looga sheegin in Madaxweynuhu uu Cabdikariin Axmed Mooge kala shaqaynayo sidii uu u noqon lahaa Maayarka Hargeysa ee uu muddada dheer ku taamayey, haddana Warar ka soo baxaya ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in Madaxweynuhu aqbalay inuu ka shaqeeyo sidii uu Mooge u noqon lahaa Maayarka Hargeysa ee 5-ta sanadood ee soo socda.

Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Mr. Mooge ayaa yimid xilli labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ay bilaabeen inay isku bahaystaan sidii ay u qaybsan lahaayeen  Shir-guddoonka Baarlamaanka iyo Maayarrada dalka, ayaa waxa ka dhalan kara su’aalo ay ka mid yihiin in Xisbiga WADDANI oo Cabdikariin ka soo baxay uu kula socdo kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay iyo saamaynta siyaasadeed ee ay Waddani ku yeelan karto Mooge uu noqdo Maayarka Hargeysa, isagoo gacan ka helaya Madaxtooyada.

 

Geeska.net/Hargeisa Office