Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Waxba Iska Khusaynin Safarka Madaxweyne Biixi Iyo Khilaafka Kenya & Soomaaliya

0
645

Nairobi (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jirin wax ka khuseeya Khilaafka u dhexeeya Dawladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud xiir (Faratoon) oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du waydiisay waxa Safarka Madaxweynaha Somaliland ku soo beegay xilligan oo khilaaf culus ka dhexeeyo Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa sheegay in aanay arrintaasi ahayn wax khuseeya Somaliland, isla-markaana ay Somaliland iyo Kenya ka wada-hadlayaan danahooda.

Wasiir Faratoon wuxuu ugu horrayn ka jawaabay su’aal laga waydiiyey in Weftiga Somaliland iyo Dawladda Kenya ka wada-hadlayaan Qaadka Miirooga sidii Somaliland loo geyn lahaa, waxaanu yidhi “Anigu taas ma odhan karo, Qaadku wax mushkilad ah oo uu leeyahay ma jirto, dalka Somaliland waa lagu cunaa qaadka, Ganacsigiisana cidna ma diidana hadduu imanayo iyo hadduu ka joogayo. Dadku siday arrinta u arkaan way ka sal ballaadhan tahay Anigu sidaan u arko.”

Wasiirku wuxuu Maan-gaabnimo ku sheegay in la yidhaahdo Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya waxay ka wada-hadlayaan Qaadka Miirooga “Waa iska Maan-gaabnimo (in la yidhaahdo) Qaad bay ka wada-hadlayaan iyo khilaafka Soomaaliya ayay ka wada-hadlayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaanu waxba iska khusaynin Safarka Madaxweynaha Somaliland ku joogo Nairobi iyo khilaafka Kenya iyo Soomaaliya “Annagu waxaanu Kenya ka wada-hadlaynaa danaha naga dhexeeya ee gaarka ah, laakiin Soomaaliya iyo waxay isku qabaan iyo iyaga xidhiidhkooda wax naga khuseeyaa ma jirto. Wada-hadalladu waa sidii labada Waddan iskaga kaashan lahaayeen arrimo badan oo jira, danahayaga ayaanu ka wada-hadlaynaa wayna badan karaan danahayagu.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office