Safiirkii Hore Ee Somaliland U Qaabilsanaa IGAD Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweynaha Ee Kenya

0
496

Hargeysa (Geeska) – Safiirkii Hore ee Dawladda Somaliland u qaabilsanaa IGAD Aadan Muuse JIbriil ayaa ka hadlay Safarka uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay Dalka Kenya.

Aadan Muuse Jibriil wuxuu sheegay in safarka Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu ku tageen dalka Kenya uu Faa’iido u leeyahay Somaliland.

Aadan oo u warramay Telefiishanka SAAB ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Safarkaasi wuxuu iila muuqdaa inuu leeyahay ahmiyad aad iyo aad u weyn, taasi oo ah Marxalad cusub oo ay gashay siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland.”

Aadan Muuse Jibriil waxa kale oo uu sheegay “Faa’iido wuu leeyahay, waayo? Tallaabadii la qaadaaba Faa’iido ayay leedahay oo wax bay soo kordhinaysaa, hadday siyaasadda gudaha tahay iyo hadday dibedda tahayba, sida la ogyahay waa dal gudaha ka dhisan, oo marka gudaha la eego la barbar dhigo Dalalka innagu xeeran inuu yahay dal ka mudh-baxay, haddii ay tahay Nabadda oo qaabka loo dhisay tahay Qaad u gaar ah Somaliland, kaasi oo aan ahayn Qaab dibedda laga soo abaabulay ee ah Qaab hoosta laga soo dhisay iyo dib u heshiisiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Tallaabooyinka dibedda loo qaadaa waxay dheelli-tiraysaa guulihii aynu ka gaadhnay xagga gudaha, maxaa yeelay Tartan ayaynu ugu jirnaa arrinta Ictiraafka iyo is-qadarinta innaga Soomaaliya. Soomaaliya waxay haysataa tii hore oo waxa loo tixgeliyaa Dawladdii hore ee Soomaaliya, innaguna waxaynu haysanaa Dawladnimada xaqiiqda ah  ee Dadka dalku ay dhisteen.”

Aadan Muuse Jibriil oo la waydiiyey in Kenya ay doonayso inay Safarka Madaxweynaha Somaliland uga faa’idaysato khilaafka xilligan ka dhexeeya Soomaaliya, ayaa ku jawaabay  “Arrintaasi waa arrin dhex taalla Dadka Wacyiga Caadiga ah (ku nool). laakiin aqoonta durugsan ee Qotada leh ma dhex taallo (aragtidaasi), Soomaaliya waa Dawlad dhismaysa oo aynu la jecel nahay inay cid walba xidhiidh la yeelato, halkaana ay ka soo baxdo Dawlad Soomaaliyeed oo wax lala qaybsan karaa, xidhiidhkaasina iyaga iyo Kenya ayuu ka dhexeeyaa, laakiin innaga iyo Kenya ka dhexeeyaa waa mid kaa ka qoto dheer..”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office