Somaliland Oo Qaramaysay Maleeshiyaad Ku Dhaw Lix Boqol Oo Ka Soo Goostay Khaatumo

0
573

 

Burco(Geeska)-Ciidan tiradooda lagu sheegay 550 Askari,13 Tikniko ah,8 Gaadhi oo xamuul ah,Garaado iyo hogaamiyayaal tiro badan ayaa si rasmi ah ugu isugu soo dhiibay Somaliland,ka dib wada hadalo dheer oo la sheegay in kooxdaas oo ka soo goosatay Khaatumo lagu qanciyay ka mid noqoshada Somaliland.

 Waxaana ku soo dhaweeyay deegaanada Fiqi-Fuliye wafti uu hogaaminayay wasiirka madaxtooyada oo ay ku waheliyeen wasiirka warfaafinta, wasiirka biyaha, wasiiru dawlaha nabadaynta gobollada bari, iyo taliyaha guud ee ciidanka qaranka sareeye Gaas Ismaciil Maxmed Shaqalle iyaga oo ciidanka laxaadka leh ee u soo jihaystay dhinaca nabadda halkaas uga jeediyay khudbado.sida oo kale garaadada kooxdan hogaaminayay waxa ka  mid ahaa Garaad Cabdilaahi Muxumed  Guuled, Chief Caaqil Saleeban Xasan Cali, Chief Caaqil  Siciid Jaamac Muxumed, Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Maxamed, Caaqil Xusen Axmed.

Garaad Cabdilaahi Maxamed Guulleed oo ka mid ah isimmadda Beesha deegaankaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maleeshiyadii ugu badnayd ay ku qarameeyeen ciidammadda qaranka Somaliland ka dib wada hadal dheer oo dhex maray xukuumadda isla markaasna ay ka dhalatay is faham buuxa.

Garaad Cabdilaahi Maxamed waxa uu intaasi ku daray inay ku qanacsan yihiin Somaliland, isla markaana ay safka hore kaga jiraan bulshadda difaacaysa qaranimadda Somaliland, waxaanu xusay inay dadkooda dhinac ka raacayaan. Garaadku waxa uu u mahad naqay cid kasta oo ka soo shaqaysay hawshan nabadaynta bariga Somaliland.

Taliyihii watay ciidankan laxaadka leh ayaa isna dhiniciisa heegay inay ku faraxsan yihiin sida Somaliland u soo dhawaysay isla markaana uga midho-dhalisay wada xaajood muddo qaatay oo uu xusay inay la yeesheen xukuumadda Somaliland. isagoo carabka ku adkeeyey a in diyaar u yihiin inay ciidanka qaranka ka mid noqdaan,

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isna  ka hadlay madashaas ayaa bogaadiyay maleeshiyadan ay  soo dhoweeyeen oo ah tii ugu tiro badnayd ee ka soo goosata Khaatumo.waxaanu tilmaamay in arrintan ay fursad wanaagsan siinayso dedaaladda xukuumaddu ku doonayso inay nabad waarta ka islaaxiso goboladda bari ee dalka.Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu u balan qaaday ciidankan cusub inay heli doonaan dhammaan xuquuqda ay helaan ciidanka qaranka Somaliland. Waxaanu ku booriyay kooxaha baaqiga ku sii ah kooxha Khaatumo  inay ka faa’iidaystaan fursadda nabada iyo horumarka.

Sidoo kalena waxa kulankaas ka hadlay Wasiirul dawlaha nabadeynta gobolada bari Md.Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), iyo Taliyaha Ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle. Dhammaantoodba waxay bogaadiyeen ciidankan laxaadka leh ,garaadada iyo taliyaashooda hor kacayey kuwaas oo ay ku tilmaameen geesiyaal go’aan adag qaatay.