Madax-dhaqameed Ka Hadlay Golaha Wadatashiga, Xukuumadana Fariin U Diray

0
612

 

Picture4Hargeysa (Geeska) – Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Koonfurta iyo bariga Caasimada Hargeysa (Ciidagale), ayaa shalay ka hadlay dareenkooda ku aadan golaha Wadatashiga  iyo toosinta Qaranka ee dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay, waxayna xukuumadda iyo gollahaasba u soo jeediyeen talooyin ay u arkeen inay wax ku saxmayaan.

Madax-dhaqameedka beesha Ciidagale oo shir-jaraa’id ku qabtay Huteelka Scandanevianka ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka soo soo horjeedsaday golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee ay aasaaseen siyaasiyiinta Magaca ku leh Somaliland, waxayna u soo jeediyeen siyaasiyiinta sameeyay inay go’aankaasi la laabtaan oo ay axsaabta Mucaaradka ah ku biiraan haddii ay mucaaradnimo u ban-baxeen.

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo halkaasi ka hadlay, ayaa ugu horeyn Madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay inuu beesha Koonfurta iyo bariga Hargeysa siiyo saamigii ay ku lahayd xukuumadda “Madaxwaynaha waxaanu ka codsanaynaa inuu beesha Saamigeeda siiyo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Haddii aanu nahay beesha Koonfurta iyo bariga Hargeysa tabasho badan ayaanu ka tirsanaynaa xukuumadda, tabashadaasina waa in Madaxwaynuhu tixgaliyaa, dhinac kasta oo ay tahayba waxaanu Madaxwaynaha ka codsanaynaa inuu tixgaliyo oo uu xaqeeda siiyo, iyada oo beeshu ah ta ugu dhaqaalaha badan marka cashuurta la bixinayo, haddii ay tahay Qaadka, Sayladda, Madaarka diyaaradaha iyo haddii ay tahay Magaalada oo ay deegaan ku tahay”

Boqor Raabbi oo ka hadlaya golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee Hargeysa lagaga dhawaaqay ayaa yidhi “Anagu waxaanu ogeyn laba golle oo sharci ah (Guurtida/Wakiilada) laakiin maanaan ogeyn golle saddexaad oo sharci ah, wax alaale iyo wixii nabadgalyada wax u dhimaya waxaanu kala aragti nahay umadda reer Somaliland, waxaanu leenahay golahaa uma aqoonsanin inuu golle yahay, waxaanu u aqoonsanahay niman reer Somaliland ah oo tabasho ku jirto, waxaanu leenahay tabashooda hala dhageysto”

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Saddexda Golle Qaran iyo xisbiyada ayaanu ognahay wax golle ah oo sharci ah, wixii kale ee maanta yidhaahda Golaanu nahay waa xaalad abuur, nabadgalyada Somaliland-na uma banana, waxaan leeyahay waxaad tihiin rag Somaliland taariikh ku leh oo halgankii waddanka ka qayb qaatay, markaa maaha in idinkii dib la idiin canaanto oo wax la idinka saaro”

Suldaan Aaden Cabdilaahi oo isna ka mid ahaa Madax-dhaqameedka shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in aanay midh meesha ku jira ahayn in xukuumaddu wadahadalladii Turkiga isku koobto, balse loo baahnaa inay Mucaaradka ku darto ergooyinkeeda “golle aan sharci ahayn in la sameeyaa meesha ma taalo, haddaad Mucaarad u ban-baxdeen xisbiyada Mucaaradka ah ku biira” ayuu yidhi Suldaanku waxaanu intaa ku daray “xukuumadda waxaan leeyahay maaha midh meesha ku jirta inay kaligeed tagto wadahadallada (Somaliland iyo Somaliya)”

Suldaanku wuxuu fariin u diray Madaxwaynaha Somaliland “Madaxwaynaha waxaan leeyahay shacabkaaga dhageyso” ayuu yidhi.

Shirkan jaraa’id waxa kale oo ka hadlay Suldaan Caddo-gude iyo Cuqaal kale oo tiro badan, waxayna dhamaantood siyaasiyiinta u dhawaaqay golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka u soo jeediyeen talooyin ah inay ka laabtaan golahaasi, iyagga oo dhanka kalena Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisa u soo jeediyeen inay dhageystay tabashooyinka siyaasiyiintan ku kalifay inay abuuraan golahan siyaasadeed.