Ingiriiska Oo U Sacabo Tumay Heshiiska Hawada Ee Ay Kala Saxeexdeen Somaliland Iyo Somaliya

0
649

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa soo dhawaysay heshiiskii ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Somaliya ku kala saxeexdeen wadanka Turkiga ee la xidhiidhay abuuridda guddi farsamo oo wada jir u maamusha hawada Somaliland iyo Somaliya.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Neil Wigan, oo uu fadhigiisu yahay wadanka Kenya, ayaa qoraal kooban oo uu ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay in heshiiskaasi labada dhinacba dan u yahay. “Waan soo dhawaynayaa heshiiska Ankara ee ay Somaliland iyo Somaliya ka gaadheen hawada.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa kooban danjire Neil, waxaanu intaas raaciyay, “Hab wax dhisaya oo dhinac walba caawinaya.”

Heshiiska lagu kala saxeexday wadanka Turkiga ayaa dhigaya in la magacaabo guddi farsamo oo wada jir u maamusha hawada Somaliland iyo Somaliya islamarkaana dib ugala soo noqota Qaramada Midoobay. Guddigan ayay xaruntoodu noqon doontaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo dakhiliga ka soo baxana si cadaalad ah loo qaybsan doono. Waxaana wejiga saddexaad ee wada hadalka Turkiga la isugu noqon doonaa 120 maalmood ka dib.