Somaliland Oo Puntland Ku Wareejisay Nin Lagu Tuhmay Dilkii Sheekh Cabdiqaadir

0
455

 

Picture3Lascanod(Geeska)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa shalay maamul goboleedka Puntland ku wareejiyay nin eedaysane ah oo lagu xidhiidhinayo inuu lug ku lahaa dilkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, oo dhawaan lagu dilay magaalada Garowe.

Ninkan eedaysanaha ah oo lagu magacaabo Cabdillaahi Cismaan Axmed (Caynte), ayaa la aaminsanyahay inuu ku jiray dadkii ka shaqeeyay dilkii marxuumkaas, waxaanu markii uu falkaasi dhacay u soo baxsaday dhinaca Somaliland, laakiin hay’adaha ammaanka Somaliland ayaa markiiba gacanta ku dhigay, waxaanu muddo ku xidhnaa xabsiyada Somaliland.

Wasiirka ammaanka Puntland Khaliif Ciise Mudan iyo wefti uu horkacayay ayaa shalay hay’adaha ammaanka Somaliland kala wareegay ninkan si loogu maxkamadaeeyo gudaha Puntland, waxaanay munaasibadda xil wareejintu la sheegay inay ka dhacay tuulada Gambadha ee gobalka Sool, waxaanu ninkani u dhashay deegaanada Puntland.