Madaxweyne-xigeenka Oo La Dardaarmay Ciidamada RRU-da

0
668

 

Picture2Mandheera( Geeska )-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylaci, ayaa ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU-da ugu baaqay inay u tudhaan marka ay hawl galo fulinayaan shacabkooda. Waxaanu sida oo kale ugu baaqay shacbiga inay ciidankan RRU-da u arkaan kuwo badbaadinaaya oo aanay u arkin cadaw.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenku sidan ku sheegay mar uu shalay tabobar u soo xidhaayay dafcadii albaad ee ka tirsan ciidamada RRU-da, waxaanu isaga oo arinkaas ka hadlaaya hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Marka aad badhitaan ama dareen uu yimado ama war lahelo cidii shacabka ee habeenkasi la dulmaraa haw aragto in la badbaadinayo  yaanay u arkin ciidan dhibaato u geysanaya iyaga, wax loo bahan yahay in aad bulshada dhawrtaan inta aad dhawri kartaan, dadyoogu waxay ku cawdaan wax ka mid ah qaarba odhanaya marka aqalkii loo dhaco ee dabadedan,  wax laga baadhayo dadkeenu wuu iska dhib badan yahay si uu ceeb ku marmariyo wax uu odhanayaa waa laybaadhay oo  hanti  ayaa layg, marka waxaan idin leeyahay marka ad meesha gashan ee aad dadka badhiysan, qaar kaxaysta oo hadlin la socdaan si aanay idin odhan waxbay naga xadeen, waxaan idiinku ducaynayaa in alle idinku asturo xilkaas aad qaadeen.”

Inta badan shacbigaSomaliland ayaa cabsho iyo dareen did-sanaan ah ku qaabila hawlgalada ay ciidamada RRU-du ay fuliyaan, kadib markii la arkay sida ay u filyaan hawlgalada oo ad’adag iyo inay baadhaan arimo la xidhiidha argagaxisada.