Shirkada Faransiiska Ah Ee Bollore Oo Hawlo Casriyeyna Ka Bilaabi Doonta Dekedda Berbera

1
564

 

Picture4Paris (Geeska/Bloomberg)- Bollore SA, oo ah shirkad maalgashi uu leeyahay maalqabeen Faransiis ah, Vincent Bollore, ayaa cadeeyey inay shan dekedood oo Afrika ku yaala ku kordhin doonaan hawlahooda., kuwaas oo ay ku jirto dekedda Berbera.

Shirkada Bollore ayaa sheegtay inay damacsan yihiin ka shaqeynta qeybaha konteenarada ee dekedaha Somaliland, Kenya iyo Mozambique, kuna jiraan sare-u-qaadka kaabayaasha ka jira xilligan, iyo dhismaha qeybo cusub, sida  Philippe Labonne, maareeyaha qeybta Afrika ku sheegay wareysi uu bixiyey.

Shirkadaa oo xilligan ka shaqeysa 14 dekadood, ayuu sheegay in dhaqaalahoodu sare u kacay 25% ($3.26 billion) sannadkii 2012, ayuu Labonne sheegay. 

Bollore oo ay ka shaqeeyaan 25,000 qof 45 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa sidoo kale ka shaqeysa laba wado tareen, xarumaha kaargooga iyo bakhaarada waaweyn. “Waxaan gelinaa hanti gaadhaysa 250 million euros ilaa 300 million euros Africa” sannad walba, ayuu yidhi Labonne. “ugu yaraan boqolkiiba 80 hantidaasi waxay gashaa kaabayaasha.”

Bollore Africa ayaa dhowaan bilaabaya furitaanka terminal shidaalka iyo gaasta ee dekeda Pemba, Mozambique. 

Comments are closed.