Maxamed Xaashi Oo Ka Hadlay Miisaaniyadda, Mushahar kordhinta Wasiirada iyo amuuro kale

0
601

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inuu farqi weyni u dhexeeyo kharashka ku baxa madaxtooyada Somaliland ee imika uu fadhiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo markii uu fadhiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Wasiir Maxamed Xaashi, wuxuu kale o20120212070019o uu ka hadlay mushahar kordhinta ay dhawaan ansixisteen golaha wasiirada Somaliland iyo weliba arrimo kale. Maxamed Xaashi, oo u waramay shabakadda wararka ee Hadhwanaag News, ayaa su’aalo ka mid ah weydiimihii la su’aalay iyo jawaabihii uu ka bixiyay oo aanu soo qaadanay waxay u dhaceen sidan:

Waxa aad sheegtay inaad sanadkan oo kale aad rajaynayso koradhsiimo aad u samaysaan shaqaalaha iyo ciidamada, ma miisaaniyada sanadkan ayaad uga dhex samaynaysaan mise waxay noqonaysaa inay sanadka danbe sugaan, waliba wasiir waxa aad  hore u balan qaaday inaad sanadkan bolkiiba kontan u kordhinaysaan?

Horta taas boqolkiiba kontanka ahayd waxa ay ahayd mala awaal, lakiin boqolkiiba kontan ama labaatan kolba intii awoodu na siiso inaan kordhino waan ku talo jiraa, waanan ku rajo weynahay, wax soo saarka ayaanan kordhinaynaa insha allaah. Imika boqolka hadaanu dhaafino waa wax noo soo baxay, kolkaa waxaan rabaa markaynu kharashiyaadka iska baxino in aynu awoodi karno.

Horumarku waa in aan la ilaabin, tan shaqaalahuna waxay ku jirtaa horumarka uun, kolkaa waxaan ku rajo wey nahay  inaan kordhintaas keeni karno in aan boqolkiiba wax kordhino, intay noqnayso ayuunbaan wali ka fakarayaa oo kolkaan xisaabta saaro waxan leeyahay ma labaatanbaad kordhin kartaan mise sodan baad kordhin kartaan, wakhigan kordhin kuma jirto laakiin sanadka badhtamahiisa iyo waxii ka danbeeya ayaan rajaynayaa.

Wasiir waa markii u horaysay ee ay gaadho miisaaniyada Somaliland boqol milyan, shaqaalahii iyo ciidamadiina wax koradhsiimo ah looma samayn, hadaba bal umadda aad masuulka ugu tahay maaliyada u macnee waxa lacagta intaas leeg lagu qabanaayo?

Horta waan kuu sheegay in shaqaalaha iyo ciidamada wali aanan gaadhin halkii aan daryeelkooda is odhan lahayn waa ay ku nasteen, waxa aanu sanadkan 11 milyan oo doolar ugu talo galnay  horumarka Tacliinta,Caafimaadka,Biyaha,Beeraha iyo Nabadgalyada, inaan ka badinana waa suurto gal oo waanu ku rajo weynahay, markaas waa in dadku dareemaa in horumar uu jiro oo waa in rajo la’qabaa, qofka rajadiisu in horumar la sameeyo ayay ku xidhantahay kolkaa in rajo la beeraa meeshay ku jirtaa, wadankuna waa wadan inagu filan ee inaan shaqaysano ayuunbaa meesha ku jirta.

Wasiir fikrado badan ayaa la is dhex marayay intii miisaniyadan aad wadeen, golahii wasiirada ayaad mushaharkii u kordhiseen idinka oo ka tagay shaqaalahii iyo ciidamadii, hadaba adiga arintaasu siday kuula muuqataa?

Horta tirada wasiiradu waa wax yar, shaqaalaha iyo ciidamaduna waa tiro badan, wasiiraduna kolka horeba lacag badan ma qaataan, kolkoodii hore ayay yara dulmanaayeen, markaad u kordhisana waxaad u kordhinaysaa wax yar, laakiin  shaqaalaha iyo ciidamada kolkaad eegtid dee waa dad badan kolkaa shilinka aad kordhisaa dhaqaalihii wax weyn ayuu la hadhayaa, in laysku yara miisaamo oo halkana xoogaa u kordhino, halkan kolkay inoo fududaatona aan wax u kordhino kolayba’se aan la ilaawin ayay tahay siyaasada dawladu.

Wasaarada maaliyadu xisaab xidhiikii miisaniyadii sanadkii hore  waa ay samaysay, markaas musuqmaasuq intee leeg ayaad odhan kartaa wakhti xaadirkan xukuumada aad adigu ka mid tahay waa uu ka dhex  jiraa?

Bani’aadamku sidiisaba waxa jira wax ku abuuran oo ah inuu meel wax ka yara garoocdo, waa wax iska dhaca oo meel ay ka madhantahay ma jirto, laakiin waxaan ku talo galnaa oo maalin dhawayd waxa lay keenay liiskii inta safar u baxday ama Laasacaanood ha tageen ama dibada  ha u baxeen oo aan leenahay sidii lacagtii laydiin dhiibay aad u kharash  garayseen soo qora, kolkaa inaad ku daba joogto ayaa waajibka ah waxii uu qofku hayo oo aan  laga daba hadhin, waxa kale oo imika la sameeyay hay’ada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqa. Imika miisaaniyadan  markaan samaynaynay waxaanu nidhi miisaaniyadii kal hore sidaad u kharash garaysay iyo waxaad ku kharash garaysay iyo rasiidhadoodii keena, kolkaas meel aad ka raad raacdo ayaad helaysaa oo aad tidhaahdo waar waxaasu sidaas maaha iyo waxaasi waa sidaas, qofkuna marka la daba joogo waa uu  habradaa oo waa uu is ilaaliyaa, kolkaas anagu kuwii hore waxaanu dheernahay xisaabtanka.

 Inta badan intii aad mucaaradka ahayd waxa aad ka hadli jirtay lacagta adag ee ku baxda madaxtooyada, miisaaniyadaadan lacag intee leeg ayaa ugu jirta madaxtooyada haatan?

Horta wax badan ayaa is badalaaya, madaxtooyada hay’ado badan ayaa ku soo kordhay imika oo ka shaqeeya, waxaanse anigu hubaa halkii tii hore lacagta iska qaadqaadanaysay inay lacagtan ku baxdo meel looga baahan yahay. Saddex  iyo kontan malyuun oo doolar oo dayn ah ayay kuwii hore ka tageen, waxii ina soo gali jiray iyo kharashka kolkii la xisaabiyay illaa 2002 markii Ina Rayaale qabtay ilaa july 2010 waxa ka soo hadhay kharashkii dhabta ahaa iyo dakhligii dhabta ahaa marka la kala jaray boqol iyo sodan bilyan oo lacagta Somaliland ah, kolkaa dayn inay timaadaba may ahayn, nimankan suuqa imika ka caytamaya wixii ay gaysteen ayaa uu raadkoodii sii qoyan yahay.

Lacagtana waxa la odhan jiray hebelow waxa aad na siisaa haaf malyuun kolkaasa dabadeedna kastamka Berbera  loo qoraa oo la yidhaahdaa kala badh u sii cashuur dhaaf inta kalana kaash, lacagtaas  meel ay ku danbaysay la garan maayo, illaa kuwii baanka lacagta dhigtay ayaa waayay.

Imika ka soo qaad Ina Rayaale waxa uu joogaa imika  Paris markii horana shilin muu haysan, guri weyn oo qaaliya iyo kharash badan oo qaaliya ayuu ku joogaa Paris, halkana wax la odhanayaa gawaadhi ayaa lagaga hortagay, waa arimo aan is galayn, kolkaas ninkaasi muxuu ku noolyahay ayaa meesha taala, nolashani maxay ahayd, maxaa nolshii dalka ka kaxeeyay, maxuu intaa ku helay, waxa weeyaan waxii ay boobayeen ayay sidan ku dhacday. Markas kuwii dadka dhacay liiskoodii waa la gali goor la galaba waxiina waa wax qoran, kolkaas waxa weeyaan waxanaynu maraynaa xaalad kala guura, kolkaas dawladayadan urursigaasi kuma jiro.

Madaxweynaha  jamuuriyada Somaliland ee xiligan miisaniyada kharash intee leeg ayaa ugu jira, bal arintaa bulshada u cadee?

Mushaharka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku waa mid go’an, waxan aan bixinaana imika waa maamul fidin, dagaalo iyo waxbaa jira, caafimaadkan aan kuu sheegayo oo kaliyaata inta qof u timaada ee leh caafimad ii dir baa badan, caafimaadkaas oo aan dalka loogu qaban karayn maanta, laakiin haddii uu dibada  tago qofkii wax loogu qaban karaayo, horta kharashkaasu aad buu noogu badan yahay, qofkaana ka qiimo badan  lacagta, kolkaa kof yahaw dhimo lama odhan karee wax weeyaan waxii loo qaban karo in loo qabto, laakiin waxaan doonaynaa caafimaadkii inaan halkan ka dhigno dabadeedna aan yarayno kharashkii halkaas tagayay, kolkaa kharashkan hadda ee madaxtooyada gala waa mid aan is leenahay jaf jafa oo wixii daruuriga ahaa reeba, kii horena waxa uu ahaa kharash aan loo baahnaya oo la galaayo.