Somaliland Oo Maanta Lagaga Dhawaaqay Xaalad Deg-deg Ah

0
467

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in abaaro ay ku dhufteen dad tirradoodu dhantahay 810,000 oo ku kala nool 6 gobol oo Somaliland ah.

Madaxweyne ku-xigeenka oo u hadlayay guddi uu Madaxweyne Biixi u magacaabay gurmadka abaaraha oo uu Guddoomiye u yahay, ayaa sheegay in abaaro ba’ani ay ku dhufteen deegaano ka mid ah Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlaya Abaarta iyo Xaaladda deg-deg ah ee ay ku dhawaaqeen ayaa yidhi “Waxaanu Maanta halkan u soo joogsanay haddii aanu nahay guddidii gurmadka abaaraha in aanu ku dhawaaqno in abaartii meel adag marayso, ka dib markii roobkii gu’gu uu teel teel ku ahaa qaybo kamid ah dalka” ayuu yidhi Saylici.

Saylici ayaa sheegay in abaartu saamaysay dad hal Milyan ku dhaw oo ku kala nool lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland “Waxa dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dhamaan gobollada dalka, sida Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Howdka Maroodi-jeex iyo Xeebta Gobolka Awdal, qiimaynta lagu sameeyay abaarta, waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya, 810,000 (sideed boqol iyo toban kun)” ayuu yidhi Saylici.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in Hay’adda Maaraynta Aafooyinka Somaliland, diyaarisay raashin la gaadhsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen, isla-markaana xukuumaddu diyaaraysay lacag dhan 3 Milyan oo dollar oo wax lagaga qabanayo abaarta.

Geeska.net/Hargeisa Office