Musharraxa WADDANI Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyay Inuu Hay’adaha Amniga U Adeegsanayo Inay Shacabka Argaggax-geliyaan

0
480

“Waa ayaan darro weyn in Muuse baabi’yey karaamadii iyo haybaddii hay’adaha Dowladnimada iyo laamihii ammaanka..”

Hargeysa (Geeska) – Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu hoos u dhigay Sumcaddii Hay’adaha Dawladda, sida Ciidammada.

Cirro oo Shalay qoraal ku baahiyey Internet-ka, ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu Ciidammada u adeegsanayo Siyaasad, arrintaasina ay sumcad dil ku tahay Ciidammada Qaranka ee kala duwan.

Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay inuu cabudhinayo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, arrintaasina ay khatar ku tahay Xorriyatul-qawlka uu Dastuurku u damaanad-qaaday Muwaadiniinta.

Qoraalka Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, ayaa u qornaa sidan “Xukuummadda Madaxweynaha xilkiisu dhammaanayo ee Muuse Biixi, waxa ay caado & dhaqan ka dhigatay cabudhin, cago-juglayn iyo cadaadis joogta ah, oo ay u geysanayso dhammaan muwaadiniinta heer kasta oo ay yihiin. Abwaanno, jilayaal, qoraayo, weriyayaal, macalimiin, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoorka kale ba in la cabudhiyo, la xidho, la argagixiyo, xuquuqaadkooda lagu tunto; mushaaharaadkii ay xaqa u lahayeen laga goosto iyo in shaqooyinka laga caydhsho.

Soomaalidu waxa ay lee yihiin murti tidhaahda, “Islaantii indho-la’aan ma ku ogayd, dad cunnimana ku darsatay”. Xukuummadda Muuse, waxa ay bilowday xaajo ugub ah, oo dimuuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlkaba ku ah gef weyn; waa in Guddoomiye Xisbi Mucaarad looga yeedho Xarunta Dambi-baadhista(CID), iyada oo looga gol lee yahay in la is hortaago baraarugga bulshada iyo doonista shacabka, ee is beddelka, oo is gaadhay dhammaan Gobollada Dalka.

Isku daygaas Xukummadda Muuse ku beegsanayso Xisbiyada Mucaaraadka, waxa ugu dambeeyey isku daygii ka dhacay magaalada Burco, ee Xarunta Gobolka Togdheer. Isku day lagu doonayey in laga hor istaago Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo anniga oo ah Murashax Madaxweyne in ay la kulmaan bulshada magaalada Burco, ee is beddelka u oomman. Waa ayaan darro weyn in Muuse baabi’yey karaamadii iyo haybaddii hay’adaha Dowladnimada iyo laamihii ammaanka, oo uu ka dhigay kuwo lagu beegsado shacabka qeybihiisa kala duwan, Xildhibaannada, Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaraadka ah hoggaankooda.

Muuse waa uu ogyahay in uu ku ololeeyey sarreynta sharciga, waana og yahay in sharci darrada iyo ka tallaabista xayndaabka dawladnimada ay horseed u noqon karto fowdo iyo amni darro Somaliland aanay maanta u baahnayn, Muusow’ Ciidamadu waa kuwa amnigeenna suga, waa kuwa cadowga innaga ilaaliya, ha siyaasadeyn Ciidanka. Somaliland ha waarto.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office