Somaliland Oo Ku Degdegtay Hambalyaynta Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya

0
504

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa si uu deg deg ka muuqdo uga hadlay doorashada madaxweynaha Somaliya habeen hore loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo ah nin ku cusub saaxadda siyaasadda Somaliya.

Madaxweynaha iyo xubno wasiiro ah oo aan sugin khudbadda rasmiga ah ee uu jeedin doono Madaxweynaha cusub ee Somaliya oo la filayo inuu ku cadeeyo mawqifkiisa rasmiga ah ee qaddiyadda Somaliland, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubnihiisa wasiirada ah oo xataa awoodi waayay inay hal meel isugu ururiyaan hambalyada ay dirayaan ayaa warbaahinta la hadlay saacadihii yaraa ee ee ka dambeeyay doorashadii Madaxweynenimo ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhambaal uu soo saaray shalay, oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenkiisa Axmed Saleban Dhuxul, wuxuu ku yidhi “Marka hore Aniga oo ku hadlaya magaca qaranka Somaliland, waxaan doonayaa in aan halkan ugu hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee xalay baarlamaanka dalka Soomaaliya ay ku doorteen Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya afarta Sanno ee soo socda.

Waxa kaloo aan hambalyaynayaa Madxweynihii hore ee Ku meel-gaadhka  ahaa Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo aqbalay natiijadii ka soo baxday Doorashadaasi.

Xukuumadda iyo shacabka Somaliland waxaa uu muddo dheer ka damqanayay dhibaatadii ma-hadhiwaaga ahayd ee haysatay dalka iyo dadka soomaaliya.

Doorashadan  haatan waxaanu, qaran ahaan u aragnaa in ay tahay fursad ay ka abuurmi karto deganaansho iyo nidaam maamul dawladeed oo dalkaasi gaadhsiin kara doorasho dadweynaha dalkaasi ay si toos ah u soo doortaan madaxweynahooda sida Somaliland ay ku dhaqanto oo kale.

Mudane, Madaxweyne waxa ay Dawlada iyo Shacbiga Somaliland ay &nbsp%3