Dawladda Ingiriiska Oo Si Rasmi Ah U Cadaysay Inay Toddobaadkan Xafiis Ka Furatay Hargeysa Iyo Taageeradooda Sanduuqa Horumarka Somaliland

4
532

 

ukHargeysa (Geeska)- Xukuumada Ingiriiska ayaa cadeeysey inay toddobaadkan xafiis cusub ka furatay Somaliland, sidoo kalena u fidiyeen deeq sanduuqa horumarka Somaliland.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Ingiriiska ayaa 4 September waxa ay su’aalo weydiiyeen qaar ka mid ah wasiirada dawladda Ingiriiska oo Baarlamaanka hortagay.

Xildhibaan Alun Micheal, oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ayaa weydiiyey,  wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo wadamada barwaaqo sooranka Mr. Henry Bellingham, talaabooyinka u qorshaysan dhiirigelinta xafiiska horumarka Somaliland inuu soo jiito maalgashiga ganacsatada gaarka iyo kuwa dawliga ee dhaqaalaha Somaliland, sidii shirkii London lagu gaadhay.

Henry Bellingham ayaa ku jawaabay, “Soo jiidashada maalgashi hoose waxay u keenaysaa horumar iyo xasilooni ka dhacda Somaliland. Xafiiska horumarka

Somalilandhawlgalkiisa ayaa lagu gaadhayaa taas. Codsigii xafiiskaa horumarka Somaliland ka dib, wasiirka gargaarka caalamigu waxuu go’aansaday inuu u fidiyo deeq caawinaysa hawlahooda.”

Xildhibaan Christopher Pincher, ayaa isna xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska wax ka weydiiyay dalalka Somaliland iyo Somaliya, waxaanu xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Mr. William Hague cadeeyay inuu Ingiriisku si rasmi ah xafiis uga furtay dalka Somaliland,  “Wixii ka danbeeyey shirkii London, waxa jira calaamado dhiirigelin u ah  horumarka soomaaliya, oo saamayn weyn ku leh xasiloonida Ingiriiska iyo aduunka. Xafiis cusub ayuu Ingiriisku ka furtay Somaliland shalay [Isniintii].”, waxaanu xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriisku intaas raaciyay inay sidoo kale dhawaan safaarad ka furan doonaan magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Comments are closed.