Madaxda Somaliland Oo Ku Degdegtay Hambalyaynta Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya

0
467

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa si uu deg deg ka muuqdo uga hadlay doorashada madaxweynaha Somaliya habeen hore loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo ah nin ku cusub saaxadda siyaasadda Somaliya.

Madaxweynaha iyo xubno wasiiro ah oo aan sugin khudbadda rasmiga ah ee uu jeedin doono Madaxweynaha cusub ee Somaliya oo la filayo inuu ku cadeeyo mawqifkiisa rasmiga ah ee qaddiyadda Somaliland, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubnihiisa wasiirada ah oo xataa awoodi waayay inay hal meel isugu ururiyaan hambalyada ay dirayaan ayaa warbaahinta la hadlay saacadihii yaraa ee ee ka dambeeyay doorashadii Madaxweynenimo ee Xasan Sheekh Maxamuud.