Somaliland Oo Ka Jawaabtay In Hargeysa Joogaan Saraakiil Itoobiyaan Ah Oo Diyaarinaya Dhaqan Galka Heshiiska

0
226

Hargeysa (Geeska)  Xasan Sheekh Maxamuud oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya “ inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed”

Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo wada diyaar garów ay halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murginayso  xiisadda.

Hadaba Waxa hadlkaas ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Somaliland Cali Maxamed Xasan ‘Cali Mareexaan’  oo  BBC-da u sheegay ‘in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay Itoobiya kala hadlaysay arimo badan oo khuseeya labada dhinac.

“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xidhiidh oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arintaas” ayu yidhi wasiir Cali.

Wasiirka ayaa beeniyey in saraakiil sar sare oo Itoobiyan ah ay ku sugan yihiin Somaliland, balse wuxuu xusay inay jiraan saraakiil sare oo Somaliland oo ku sugan Addisa Ababa. Wuxuu sheegay in wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa balse mar BBC-du ay wax ka weydiisay inuu sharraxo ujeeddada ay halkaa u joogaan inay la xidhiidho heshiiskii is afgaradka ee ay bilowgii bishii January  ay la galeen Itoobiya, waxa uu wasiirku si cad u sheegin arintaasi. “ Horta wafdiyo Somaliland ah way ku kala maqan yihiin dunida, wax cusubna ma aha in wafdiyo Somaliland tagaan Kenya, Jabuuti, Maraykanka iyo Itoobiya, laakin waftiga wasiirka Arrimaha dibadda way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xidhiidhka labada dhinac balse maaha kaliya heshiiska sida dowlada Soomaaliya uun ay uga dhagan tahay ee wax badan ayaan dunida kala hadalnaa ” ayuu yidhi Wasiir Cali.

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban siddeed xubnood oo isgu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhamaystirka arintaasi.

Mar BBC-du waydiisay in xubnahaas kuwo ka mid ah ay hadda joogaan Itoobiya iyo in kale? ayuu wasiirku ku jawabaay  “ Maya ma joogaan, waxay hadda joogaan Hargeysa”.

Isagoo ka hadlayey xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa laga dhigo mid rasmi ah ayuu sheegay “ si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa” ayuu intaas raaciyey wasiir Cali.

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sanad walba laakin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya, “waana dagaal qaawan oo ay dowlada Xasan Sheekh la galeen Somaliland” ayuu BBC-da u sheegay Wasiirka Cali Maxamed.

Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Somaliland Cali Maxamed Xasan ayaa xusay inay jiraan dano dhaqaale kuwo amni iyo iskaashi oo ay la leeyihiin Itoobiya.

“Magaalada Wajaale iyo Jigjiga waxay isku jiraan wax aan badnayn, ganacsiga ayaan la leenahay Itoobiya, amaanka xaduudaha ayaan ka wada leenahay wada shaqayn marka waa wax soo socday waana xoojinaynaa” ayuu yiri wasiirku.

Bishii January  kowdeedii ayey Jamhuuriyada Somaliland iyo Itoobiya magaalada Addis Ababa ku wada gaadheen heshiis is afgarad ah kaas oo saxeexa  ka dib ay si weyn ugu Cadhootay  dowlada Soomaaliya.

Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda doonayaan in loo beddelo heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya ka kirayso

doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

Taa beddelkeeda waxay Somaliland doonaysaa in aqoonsi ay ka hesho Itoobiya.

Heshiiskaas ayaa heerkii ugu xumaa gaadhsiiyey xidhiidhka Soomaaliya iyo Itooobiya iyadoo Soomaaliya fagaarayaal caalami ah gaysay waxay ugu yeedhay in “Itoobiya ay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbananida dhuleed ee Soomaaliya”.

Muddo bil iyo dheeraad ah oo ka soo wareegtay heshiiski is afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen, wali si rasmi ah looguma baddalin heshiis toos ah, laakiin Somaliland ayaa sheegtay in ay arrintaasi dhawaan qabsoomi doonto