Somaliland Oo Ka Jawaabtay Eedayn Kaga Timid Puntland, Faahfaahina Ka Bixisay Markabka Hubka Sida Ee Xayiran

0
692

4322Hargeysa(Geeska):-Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Cilmi, ayaa si adag uga jawaabay eedayn wasiirka ka soo jeeda maamul gobeleedka Puntland uu u soo jeediyey dawlada Somaliland, kaasi oo ku saabsanaa in ay si xooga uga shaki qabaan in hubka sida sharci darrada ah loogu qabtay  Markab ku soo xidhay dekada Barbera la siinaayo kooxda Al-shabaab, waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkaasi isaga oo carabka ku dhuftay in aanay caqliga galayn in Somaliland ay hubsiiso kooxda Al-shabaab, balse ay tahay dawlada qudha ee dagaalka adag kula jirta kooxdaasi.

Md:Cali Maxamed Cilmi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in hadalka ka soo yeedhay mas’uulkaasi aanu ahayn afkii uu ku hadli lahaa qof mas’uul ahi."Waxaanu kaga jawaabaynaa in indhihii caafimaad qaba, iyo caqligii saliimka ahiba wuu garan karaa oo Somaliland hubkan iyada ayaa qabatay iyada ayaana sheegtay, marka caqliga wanaagsani waa uu garanayaa qofku hubka uu sheego ama shayga hadduu isagu qarsanaayo dee maanan sheegneen, sidaas darteed hubkaasi waa hub si sharci darro ah ku yimi oo Markab soo galay Dakeda Barbera ku yimi, gacanta ayaanan ku haynaa waana sidaa aanu ku sheegnay oo wax shabaab la yidhaahdo oo Somaliland ay shaqo ku leedahay ma jirto, sababta oo ah Somaliland waxa ay tahay cida ugu badan ee Al-shabaab kala dagaalanta dalkeeda in aanay wax dhibaato ah ka samaynin, waana dhacdooyin cad oo la' og yahay meesha ay ku milan yihiin ee ay hawsha ka wadaana waa Puntland, marka waxa weeye qudhunka dalkiisa yaala in uu Somaliland kula soo wareego maaha, waa mid aad looga yaq yaqsoodo af masuul ku hadlana maaha afka uu ku hadlo, waxaanan leenahay afkii masuul ku hadli lahaa maaha waxaasi, hadduu af masuul yahay waxa weeye waxaas iyo wax ka wanaagsan ayaa uu sheegi lahaa, wax na lagu eedeeyana maaha, ta kale anagu beelaha aanu dariska nahay waxaanu kula nool nahay waxa weeye waa amni iyo jaar wanaag"Ayuu yidhi Cali Maxamed Cilmi.

Md:Cali Maxamed Cilmi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in ay baaq u direen hay’addaha caalamka iyo kuwa ku shaqada leh xafidaada hubka, rajana ay ka qabaan in ay dhawaan dalka yimaadan, waxa kale oo uu carabka ku adkeeyey in kaliya ay hubka ku wareejin karaan cidii keenta cadaymihii hubkaasi, waxaana uu yidhi:"Wali nooma ay iman hay'addahaasi, laakiin waa hay'adaha aanu sugayno in ay noo yimaadaan oo ay xaqaa'iqa ay gudbiyaan waana kuwa aan la sugayno iyaga iyo cidii la midka ah ee la dagaalanka hubka ku shaqo leh, baaqna waanu gaadhsiinay hay'addaha caalamka iyo iyagaba, waxaana aanu ku rajo weynahay in sida ugu dhakhsaha badan ay u yimaadaan dalka".

Wasiirka ku xigeenka amniga wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, waxaa kale oo uu faah faahin ka bixiyey qaabkii ay u qabteen markabka sida sharci darada ah hubka ula soo galay dekada magaalada Barbera.

"Markabku waxa uu ka soo baxay dakada Suudaan, waxaana sida aanu ku aragnay waraaqo ayuu sitay in uu ku waday carwo uu sheegay in ay Abu-dabey ku taalo oo 22-ka illaa 26-ka Febuary ka furmaysa, anagu isaga maanan aaminin waraaqaha iyo waxaas, laakiin waanu baadhaynaa baadhitaankayaguna waa uu noo socdaa, hubkaasina maaha hub si fudud aanu ku sii dayno ,hay'addaha caalamka ku shaqo leh iyo cidii sheegata marka ay noo cadaato ayuunbaanu ku sii daynaynaa haddii kalena Somaliland ayuunba gacanta ku haynaysa".Ayuu yidhi Md:Cali Maxamed Cilmi.