Golihii SONYO Ee Doortay Cabdicasiis Xirsi Warsame Oo Shalay Ku Wareejiyay Xilkii Dalada

0
959

IMG_6039Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa shir balaadhan ku qabsaday garabkii labaad ee SONYO ee guddoomiyaha u doortay Cabdicasiis Xirsi Warsame, kuwaas oo sheegay inay hoggaamintii ururka ee labada sano ee soo socda ku wareejiyeen Cabdicasiis Xirsi Warsame.

Munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay suldaanka guud ee sadiinta Somaliland Suldaan Maxamed cabdi qaadir Afhyeenka salaadinta Somaliland Suldaan Xiiray Boqor faysal cismaan Iyo Madax kale oo tiro badan.

Waxa ugu horay goobtaasi ka hadlay  Buraale Jibriil Gaaxnuug Oo Ka Mid ah aasaasyaashii dalada heer qaran ee SONYO, waxaana uu bulraale ka warbixiyey marxaladihii ay daladu soo martay iyo xaalada ay hada ku sugan tahay. Sidoo kalena waxa uu fariin u diray Madaxweyne Siilaanyo oo uu ugu baaqay inay jiraan wasiiro xukuumadiisa ka tirsan oo dalada burburkeeda ku hawlan waxaana uu ydhi” Maanta Halkan ma joogaan xisbi mucaarad haday noqoto UCID iyo haday noqoto Waddani toona Ma Odhan karno waxyaabaha dhagaha logu ridayo dawlada ama haayadaha dalada la shaqeeya  ee been abuurka waxa halkan fadhiya daladii SONYO taageerayaasheedii iyo dadkii SONYO ka mid ka ahaa sulaadiintii waxan halkan fariin uga gudbinayaa anigu  madaxwayanaha jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxan jecelahay anigu wixii uu qabtay ee wanaaga aan tilaamamo wixii qaldan aan saxo waxanu arkaynaa inay dadkani yihiin dhalinyaradii aqlabiyadii ururadii SONYO ,ku guulaystay 74 Xubnood codka ku siiyey Cabdicasiis Xirsi Warsame inay yihiin baanu halkan ka wada markhaati nahay,

 Aniga waa lay wada garanayaa oo maanta nin la odhanayo waa mucaarad ama cidbuu ku xumaynayaa ma ihi xaqiiqda dhabtaa inaan ka sheego oo aan ugudbiyo madaxwaynaha inta kaa hoosaysa ee caqligoodu fayaw yahay ee wax qiimayn karta inaan  fariintayda gaadhsiiyo ayaan aad iyo aad ujecelahay  inta wax xumaysayna inaan tilmaamo ayaan jecelahay  maanta halkaa waxa fadhiyaa waa aqlabiyadii dhalinyarada Somaliland mudane madaxwayne waa kuwii codka ku siiyey waa kuwii garabkaaga taagnaa tusaalena anagaaba kuugu filan oo kuu olalayn jiray waxa weeyaan mudane madaxwayne dalada dhalinyarada SONYO waa golihii todobaad  mudane madaxwayne lix gudoomiye oo hore ayaa isa soo badalay mid waliba baal dahaba ayuu taariihda kag xusan gudoomiyaha maanta xilka ka dagay ee mubaarig taani waa inuu black  list ga kuugu jiraa.”

Sidoo kale waxa isna goobtaasi ka hadlay Cabdiqaadir Cumar Maxamuud oo ka socday  ururka USWO ee dadka laga tirada badan yahay ee ka midka ah dalada dhalinyarada sonyo waxaana uu yidhi” waxaan maanta jeclahay inaan halkan ka sheego in xafladan xilwareejinta ahaa ee lagu doortay gudoomiyaha dalada dhalinyarada SONYO Cabdicasiis Xirsi Warsame  in uu yahay gudoomiyaha sida xalaasha ah lagu soo doortay    waxan horeba idiinku sheegay oo aad og tihiin  in aan gudiga fulinta ama xubnaha boodhka dalada sonyo aanay ka hore uga mid ahayn ama xubin ku lahayn dadka laga tirade badan yahay waxa  jira inay xubintii sanadkan ay iska kaaya hortaageen garabkaa kale ee saaxiibadeen aha ee tirade yare e ogaaday in laga badiyey ay khilaaf abuuraan  gudoomiihii hore ee mubaarig taani iyo garabkiisu halka garabkan uu hogaaminyo cabdi casiis xirsi warsamena ay noo ogalaadeen xubintayadii “

Dhanka Kale waxa iyaguna goobta hadalo waano iyo Hanbalyo ah ka soo jeediyey sulaadiintii iyo boqoradii ka soo qayb galay munasibada oo iyana sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin munasibada xil wareejinta ee dalada sonyo waxanay xukuumda ugu baaqeen in dhalinyarada laga daayo faro galinta siyaasadayan.

Boqor faysal cismaan  oo isagu ka hadlay munaasibada waxa uu sheegay inaan tabashada beelaha iyo ururarad dhalinyarada aan laysku xidhi Karin reerkii wax tabanaya xukuumdu ay qancinteeda leedahay oo boosaska siyaasiga ah loo baahany yahay in wax laga siiyo” waxaanu markhaati ka nahay oo aanu ogayn in sonyo laysu keenay  in badana ay meel martay laakiin la diiday in codkaa la qaado waxa kale oo aan markhaati ka ahayn ujeedadii ka danbaysay oo ahayd in xukuumdu doonayso cid ay doonayso mooyee inaan cid kale soo bixin oo hogaan kale sonyo yeelan  taas waan diidnay cadaaladna uma arkayno ilaahayna waanu ugu dhawaanaynaa waxaanu leenahay 74 cod ninka helay iyo ninka  50 cod helay marka ya tirada dadka guud na ay 124 xubnood tahay waxa guulaystay oo gudoomiyihii saxda ahaa noqday ka 74 cod helay waanan habnalyeynaynaa “ ayuu yidhi boqor faysal cismaan.

Waxa isna goobtaas ka hadlay xildhibaan ka tirsan golaha guutida Somaliland oo xukuumada cod dheer ugu sheegay in ay badbaadiyaan dhalinyarada hadii aanay ka maarmin waxaanu sheegay in ay jiraan koox baal martay dastuurkii iyo mabadiidi ay lahaayeen dhalinayradani loona baahan yahay in laga dhex qabto cida khal khalka ka dhex wada “ Waxan usheegayaa Xukuumada oo uu hormuud ka yahay madaxwaynaha Somaliland madaxwayne halkan waxa fadhiya majooratiga dhalinyaradii Somaliland miyaad ka maaranteen  sonyo waa meel laga barto maamul wanaaga wado lahaanshiyaha hagaaminta fiican hogaamiyaha sonyo ee cusubna mid baan leehayah maanta meeshani waa meel magic laga helo ee maaha meel aduunyo laga helo”

Isna waxa goobta ka hadlay afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Xiiray oo sheegay in aan lo dulqaadan Karin cadaalada darada ay xukuumadu ku kala qaybisay “ hadaanu nahay salaadiinta Somaliland waxanu soo dhawaynaynaa shirwaynihii Ambassador ka dhacay ee lagu dooratay Cabdicasiis Xirsi Warsame ee uu 74 Cod ku helay anigu reer miyi baan ahee nimanka wax akhriyaa markiiba waxay igu yidhaahdeen ninkaa Cabdicasiis ayaa helay  waanu soo dhawaynayanaa hadanu dhaqan kii nahay  Qodabkaa halkaas ayan kaga tagay .

Qodabka kale waxan la yaabay hadaynu Somaliland nahay waxan madaxwaynaha iyo xukuumadaba usoo jeedinayaa gobalka Awadal way cabanayaan laakiin gudoomiye yar oo laba sono ah laguma qancin karo  waxaanay doonayaan jananada Somaliland ayey wax ka doonayaan wasiirada Somaliland ayey wax ka doonayaan waxay wax ka doonayaan ganacsiga ayey wax ka doonayaan waxay wax ka doonayaan cashuur dhaafka ayey wax ka doonayaan waxay wax ka doonayaan qaranka iyo waxbarashada ayey wax ka doonayaan waxay wax ka doonayaa Somaliland Shidaalada iyo macadnaha ku aasan inay xaqooda ka helaan bay doonayaan  waxaanu leenahay gobalka Awdal iyo Salal cabshadooda haloo dhago nuglaado madaxwayhaha waxa nalagu yidhi waxaad soo wadaa isbadal Boqolkiiba todobaatan waxaad siisaa Hareerah a“ ayuu ydhi afhaeenka sulaadintaanta Somaliland suldaan xiiray

 

Suldaanka guud ee salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isna goobtaasi ka hadlay waxa uu yidhi  “barigii hore dawladii hore ee Siyaad Barre  waxay go,aan gudiyo ku soo gaadhaan inan yar oo mareexaan ah ayuun baa is hortaagi jiray maantana halkan marexaannimo ka shaqyn mayso umad reer Somaliland ah ayaa loo baahan yahay  wasiirkaa laga cabanayo ee dhibtaadaa sameeyey golahaaga yaanu dib ugu sii jirin baan odhan lahaa anigu  waayo dhalinyaradu waa mustaqbalka dalka waa dadka aynu tacabkoda maanta ku nasan lahay wax kasta oo dhbaateeyanay anagu waanu ka habaarayanaa oo waxaanu leenahay ilaahay wax wanaagsan ba kuma tuso  “ ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray suldaanka guud ee salaadiinta Somaliland .

Gabo gabdii waxa ay ururadii Cabdicasiis doortay sheegeen inay guddoomiyaha SONYO ku wareejiyeen Cabdicasiis Xirsi Warsame, waxaana hadalo uu halkaas ka jeediyay ku yidhi  “  dalada dhalinyarada SONYO markii la aasaasay waxa loo aasaasay saddex ujeedo oo kala ahaa inay isdhex galiso dhalinyarada  min bari ilaa iyo galbeed taas oo loogu talo galay in cid jeclaysiga lagaga joojiyo qodabka labaad ee SONYO loo aasaasay waxa uu ahaa kobcinta xirfadaha dhalinyarada in xifadooda la dhiso  qodabka saddexaad ee SONYO loo aasaasay waxa uu ahaa in wixii dhib ah ee dhalinyarada haysta laga qabto   anigu waxaan ahaa golihii shanaad ee goalahan maanta xilka wareejinaya ku wareejiyey ee saaxiibkayga maanta halkan ila jooga ku wareejiyey baan ahaa markii aanu golaha SONYO joognay waxaan ka mid ahaa waxqabadkii aanu ka muujinay  xeerkii dhalinyardu ay ku galeen golaha deegaanka aniga iyo saaxiibadayda halkan ila jooga ragii hoos u dhigay baan ahayn “ ayuu yidhi Cabdicasiis.