Somaliland Oo Ka Hadashay Sida Ay Uga Hortagayso Xanuunka Ebola

0
691

Picture6Hargeysa(Geeska):-Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay khatarta uu leeyahay cudurka halista ee Ebelo ee muddooyinkii danbe faraha ba’an ku hayey qaar ka mid ah dalalka galbeedka Afrika.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Md:Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay hada wadaan diyaar garawgii lagaga hortagi lahaa in baadhitaano lagu sameeyo dadka qaba Xanuunkaas ee dalka soo galaaya.waxaana uu tilmaamay in dalka laga soo galo Kontan iyo Saddex meelood oo Cirka,Bada,iyo Barigaba ah,waxaana uu sheegay in meelahaas oo dhanba ay xooga saari doonaan dadka ka soo galaaya sidii baadhitaano caafimaad loogu samayn lahaa.

"Illaahay marka hore inooma keeno cudurkaa Ebola,waa cudur aad iyo aad u xun waa dillaa dhinacan galbeedka Afrika ayuu imika farar kulul ku hayaa,Illaa 9000-oo qaybood ayaa ay imika ku dhaw dahay inta laga helay boqolkiibana Sideetan ayaa uu dilaa dadka uu ku dhaco,oo boqolka qof ee cudurka laga helo Sideetan ayaa u dhinta,waad qiyaasi kartaa markaa halistiisa.Anaguna Wasaarad ahaan iyo Xukuumad ahaan waanu ka diyaar garawnay Laba qorshe ayaanu leenahay oo Qorshaha Dagdega ah(Emergence Plan) iyo Qorsha fOg ah(Emergency Plan) ah.Markaa Qorsha dag dega ah oo aan imika hirgalintiisii aan wadnaa hirgalintiisa,waxaanu ku talo galnay Konton iyo Sadex meelood baa dalkeena laga soo galaa oo ah cirka bada iyo Xuduudaha aynu laleenahay Jabuuti Somaliya iyo Itoobiya”Ayuu yidhi Md:Saleebaan Ciise Axmed(Xagla-Toosiye).

Md:Saleebaan Ciise Axmed oo waxaa uu sida oo kale uu sheegay in meelo Taandhooyin ah ay Madaarka agtiisa ka sameeyeen halkaas oo Xanuunka Ebola lagaga baadhi doono dadka ka soo dagaaya garoonka diyaaradaha ee Cigaal Airport.

“Waxaan tobabar aanu siinay dhamaanba Shaqaalaha meesha jooga,waxaanu oo aanu siinay qalabkii lagu eegayey Xumada Oo Madaarkana waxaanu dhignay meel u dhaw Teendhooyin,waxaanu samaynay Foomam qofku marka uu soo dago inta aanu arag Laanta Socdaalka uu arkaayo Shaqaalah Caafimaadka oo hubinaaya oo qofkii laga shakiyo dhinaca loo duwaayo,qofkii kalena uu hore u soconaayo oo uu Fiisahiisa uu qaadanayo ama uu wadanka soo galaayo hadduu muwaadin yahay,qofkii aan muwaadin ahayn ee cudurkaas looga shakiyo waa la celinayaa,qofkii ka yimaada maa bilihii u danbaysay ku sugnaa ama tagay ama booqday meelaha cudurku ka jirana gabi ahaanba waa la celinayaa”Ayuu yidhi Wasiir Xagla-Toosiye.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland waxaa uu sida oo kale uu intaas ku daray in ay tobabaro ay u fidin doonaan hawl wadeenada Wasaarada Arrimaha Gudaha gaar ahaan Laanta Socdaalka iyo sida oo kale Shaqaalaha ka hawl gala Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland si ay wax uga ogaadaan ayaa uu yidhi khatarta uu leeyahay Xanuunka Ebola.

Waxaanu kale oo aanu tobar aanu siinaynaa shaqaalaha Wasaarada Arrimaha gudaha oo ay Laanta Socdaalku ka mid yihiin iyo Shaqaalaha Wasaarada Duulista iyo Hawada si iyaga laftodu ay u ogaadaan halista uu cudurku leeyahay Naftoodana ay u illaaliyaan"