Madaxda UCID Oo Soo Dhawayn Diiran Kala Kulmay Gabiley Iyo Wajale

0
616

Picture7Tog-Wajaale(Geeska)-Murashaxiinta jagada Madaxweyne iyo  Kuxigeenka ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Cabdirashiid Xasan Mataan,oo uu wehelinayo, guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo  Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf  ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya. Halkaas oo ay dhoolatus soo dhaweyn ah u sameeyeen Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo munaasibad soo dhaweyn ah ugu qabtey Waftiga Xisbiga Ucid ee uu Hogaaminayo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen iyo Kuxigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan, Huteelka Golis ee Magaalada Tog-Wajaale oo ay isugu soo xoomeen boqolaal qof oo kamid ah Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Degmada Tog-Wajaale. Murashaxa Jagada Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Ucid Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo ugu horeyn halkaa hadal ka jeediyay,ayaa sheegay in uu aad ugu fgaraxsan yahey maanta Soo dhaweynta loogu sameeyay Magaalada Tog-Wajaale maadaama ay tahey, Tog-Wajaale halkii xuduntiisu taaley ee uu fataatiiraha ku ciyaari jirey Yaraantiisii. "Marka hore waan idin salaamayaa, mar labaadka waxa farxad ii ah meeshii aan ciideeda cunay,ee xudunteydu ku aasneyd ee aan caruurnimadaydii fataatiirta ku ciyaaray,aad baanan ugu farxsanahay in imid maanta anigoo Murshaxa jagada Madaxweyne Kuxigeen ah waa Tog-Wajaale oo Madaxtooyadii ku socota guul bay u tahey Tog-Wajaale, Reer Tog-Wajaalow waxaad ogtihiin in Doorashooyin inagu soo socdaan waxaad ogtihiin in aad xuquuq u leedihiin,inaad wax doorataan in aad Doorsahada gashaan,waxaa inagu waajib ah in aynu dhamaanteen u howlgalno in aanay maalin inala dhaafin Doorashadaasi kalmada Cali Gurey yidhi waa kalmad dhab ah ninka aan dalka rajo ka qabini waxa uu ka tlain doonaa inaan Doorashadu qabsoomin, ninka dalkan rajo ka qabaana waxa uu ka talinayaa doorasho,Doorasho wey qabsoomaysaa wakhtigeedana wey dhaceysdaa in Ruwaayad la isku dhigo ma, aha hadii Doorasho ay dhici waa hadii inta maanta talada dalkan gacanta ku haysaa aanay rabin in rajadiisu ay kusii socoto,imacal cusran yusra,   sadex iyo labaatan sanadood ayuu dalkani marayaa Maamulo kala duwan ayaa soo marey, laakiin afarta sano ee u dambeeyay waxa ina marey waa waxeynu casahar wanaagsan ku qaadan doono, waa waxeynu  ka baran karno Dowlad Xumo waxey tahey,waa waxeynu qiyaasi karno in laga guuraa in ay tahey wax Waajib ah oo dadkanu ay ku tashadaan in laga wada howlgalo sidii looga guuri lahaa,anagu waxaanu leenahay Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku Wakhtigiisii ayuu socdaa"Ayuu yidhi Murashaxa Jagada Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid. Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa,in uu Xisbigoodu yahey Xisbigii Sadexaad ee dalka, yaheyna mid da, wetyn isagoo Xusey in labadii Xisbi ee hore Kulmiye iyo Udub, ay mid kusoo barteen Doorashadii iyo Dimuqraadiyadii, ka kalena, ee Kulmiyena uu noqdey mid ka xun kaa hore ee ay ka cabaadayeen sida uu hadalkiisa u dhigay. Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isaguna halkaasi ka hadley ayaa faafahiyay,ujoodooyinka Xukuumada Xiligan iyo Talaabooyinka looga baahan yahey Shacbiga taageersan Axsaabta Mucaaridka ahi in ay codkooda iyo fikirkooda ku muquuniyaan oo ay iyaga ku xidhan tahey sidii ay u badeli lahaayeen. "Maanta Waa Malintii labaad ee halkan kala hadlo Tageerayaasha Xisbiga Ucid ee Tog-Wajaale waxaana iigu dambaysay Doorashadii Golaha Deegaanka marka hore waxaan doonayaa, inaan idiinku mahad naqo codkii aad nasiiseen,Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid hadii aanu cod ka heli laheyn Gobolka Gabiley culays badan ayay ku noqon laheyd in aanu soo bixin iyadoo ay tartamayaan todoba urur ayaanu ka helnay cod shan iyo toban kun ilaa lix iyo toban kun ku dhow Gobolka Gabiley waxaan idin leeyahey maanta todobadii urur ma tartamayaane sadexbaa tartamaya hadaad sadex jeer noogu dhufataan xataa hadaad noo soo leexisaan intii aad siiseen ururadii hadhey,intii uu xataa Kulmiye xadey, waxaan qabaa sababtoo ah Gobolkani waxaanu u tirinaa inta badan inuu yahey Gobolka Ohio oo kale ayuu ka yahey isaguna Somaliland Gobolka Gabiley cida uu Doorashada siiyo ayuunbaa soo baxda Somaliland, waan ogahay inuu idin Xumeeyay Kulmiye fartiinaa idiin haysa codkiinaa idiin haya,waxaan idiin sheegayaa anaga hadaad nagu hungowdaana fartiinaa idiin haysa,hadaad na doorataan oo codkiina nasiisaan oo nagu hungowdaan sidii uunbaad yeelaysaan oo fatiinaad nagu badelaysaan laakiin seystamkaa ay shacbigu codka leeyihiin ee Dimuqraadiyada cida carqaldeysa,laga yeeli maayo Xukuumadana waxaan u sheegaynaa waar Siyaad Barraa laga yeeli waayay,maanta wax la idinka yeelayaa majirto ama lacag urursada ama Guryo dibada ka dhista, ama dadka been u sheega lacagtey idiin keenaana ka cuna,waa lacagtiinii, taa la idinka ururinayo ee Islaanta Suuqa fadhida laga qaado weeyi Cusbitaalo iyo dawaa ka dhameysa markay jeebabka idinka buuxsadaana,anagu aragti fodbaanu leenahay ilaahayna waxaan ka rajeynayaa inuu naga dhigo kuwii umada quluubtooda garta,kuwa aan umada xoolahooda cunin inuu ialaahay naga dhigo,waxaanu ognahay dadkan danyarta ah kuwa xoolahooda cunaa, wey xanuunsataa dhibaataa ku dhacda marka dambe intaa yar ee ay urursadeen dhakhtarbuu kaga baxaa,markey codka gaadho waa la idin dawakhin doonaa Wasiiraa la idiin soo diri doonaa, waa la idin dawakhin doonaa,maantana ma arkeysaan,waxaanan u mahad celinayaa ninkaa Haybe ee abwaanka ah ee xadhig ku mteystey gabayadiisa anagu daacadbaanu nahey"Ayuu kusoo gabagabeeyay Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid.

Guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna halkaas ka jeediyay khudbado uu kaga hadlay xaaladda wadanku marayo. Waxa kale oo halkaa hadal caaqiibo leh ka jeediyay,Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf(Mujaahid Cali Gurey), waxana kamid ahaa hadladiisii. "Ninkii Reer Gabiley ee aan la sheekaysaty wuxu igu yidhi horta anigu Geeljirbaan ahaaye heesaha Lo,da lagu waraabiyo ma aqaan wuxu yidhi adoo hoota ah oo hareediya,oo hirdina badan Lo,da ka horow ha la isoo horo sideed ku heshaa,"Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.