Tallaalka Ugu Horreeya Ee Ebola Waxa Uu Afrika Soo Gaadhayaa Horraanta Sannadka Dambe

0
614

Picture5Geneva (Geeska)- Hayadda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in la qorsheeyey saddexda bilood ee ugu horreeya sannadka dambe (2015ka) in Afrika la gaadhsiiyo tallaalka rasmiga ah ee ka hortagga cudur-sidaha Ebola Virus. Hayaddan Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in boqollaal kun oo ah dawada tallaalka ka hortagga cudurka Ebola la geyn doono dhulka Afrika, iyada oo si gaar ah u sii caddaysay in la filayo in tijaabada tallaalkani Afrika ka bilaabmi doonto bisha Laba iyo Tobnaad (Diisambar) ee sannadkan, aynu ku jirno.

Dr. Marie- Paule Kieny oo ah kaaliyaha agaasimaha guud ee hayadda qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka adduunka ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ku sheegtay in khubaro la diri doono si ay gacan dhaqso ah uga geystaan dagaalka lagula jiro cudur-sidaha Ebola.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Jazeera waxa uu intaas ku daray in Dr. Marie- Paule Kieny oo ka hadashay gebo-gebada shir heer-sare ah oo ay khubarada hayaddu Khamiistii toddobaadkii hore ku lahaayeen magaalada Geneva ay sheegtay in tijaabooyinka laba tallaal oo ah ka hortagga Ebola Virus ay ka socdaan dalalka Marraykanka, Ingiriiska  iyo dalka Mali, tijaabooyin kalana ay dhowaan ka bilaaban doonaan dalalka Switzerland iyo Jarmalka. Sidoo kalana ay jiraan daraasado dheeraad ah oo lagu wado shan nooc oo kale oo iyaguna ah tallaalo lagaga hortegi karo cudurkan dilaaga ah, kuwaas oo la filayo in natiijadoodu soo baxdo bilaha ugu horreeya sannadka foodda inagu soo haya.

Dhinaca kalana, culimada caafimaadka ayaa bilaabaya tijaabooyinka dawooyin la doonayo in ay cudurkan wax ka qabtaan, kuwaas oo lagu tijaabinayo dhiig laga soo qaaday dad ka bogsaday cudurkan, iyaga oo tijaabada caafimaad ee ugu horreysana bisha dambe ka samayn doona dalka Guinea  ee galbeedka Afrika oo ka mid ah dalalka uu cudurkani ka dillaacay.