Somaliland oo iska ilowday masuliyiinteeda Garowe Ku Xidhan

0
629

Hargeysa(Geeska) -Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata inay iska ilowday xubno isugu jira masuuliyiin iyo ciidamo ka tirasn Somaliland oo ay maleeshiyaadka maamul goboleedka Puntland dhawaan ka qafaasheen deegaanka Taleex.

Masuuliyiintaas oo ay dhexda u galeen maleeshiyaad taabacsan maamulka Puntland, waxa markii la qabtay iyaga iyo baabuurtoodiiba loo dhaadhiciyay magaalada Garowe ee xarunta Puntland halkaas oo maxkamad la saaray ay ku riday xukuno kala duwan iyadoo lala wareegay dhammaan gaadiidkii ay wateen oo ahaa kuwo dawli ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markaas ka dib magacaabay guddi uu hoggaamiye u yahay Wasiirka warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, kuwaas oo aan ilaa hadda laga hayn wax natiijo ah oo ay soo saareen tan iyo intii la magacaabay. “Guddida loo saaray wali wax warbaxina oo ay naga siiyeen ma jirto. Waxa nimanka loo gudbiyay jeelka magaalada xeebta ah ee Boosaaso oo xaraaradiisun ay 55 marayso wax laga ogyahayna ma jirto, waanu u dirsanay ilo xogagaala laakiin wax warbaxina oo ay ka heleen majirto.” Sidaas waxa yidhi maayarka degmada Lascanod oo toddobaadkan u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaana sida uu sheegay muwaadiniintaas dalkooda laga dhex qafaashay loo dhaadhiciyay xabsiga magaalada Bosaso oo ah magaalo xeebeed uu heer kulkeedu aad u sareeyo. Si kastaba ha ahaate waxa muuqata inaanay xukuumadda Somaliland wax xil ah iska saarin xal u helidda muwaadiniintaas, marka laga reebo cambaarayn iyo guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta u dhashay gobalka Sool gaar haan xildhibaan Saleban Cali Koore oo watay weftiga ay masuuliyiintani ka midka ahaayeen oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Hase yeeshe dad badan oo siyaasadda indha-indheeya ayaa aaminsan in arrintani ceeb ku tahay dawladda iyo dadka Somaliland.