Saddex Mudane oo Ka Tirsan Aqalka Koongarayska Maraykanka Oo Isku Maalin La Kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda Somalilnd iyo Raysalwasaaraha Sheekh Shariif

0
693

Washington(Geeska) -Saddex mudane oo ka tirsan aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa shalay laba kulan oo wax yar kala dambeeyay la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Raysalwasaaraha dawladda tamarta daran ee Muqdisho Cabdiweli Maxamed Gaas.

Saddexdaas mudane oo kala ah Congressman Donald Payne, Congressman Chris Smith oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Afrika, iyo Congressman Keith Ellison oo laga soo doortay magaalada Minnesota oo ay Somalidu ku badanyihiin, ayaa waxa la sheegay inay gelinkii hore ee shalay magaalada Washington kula kulmeen Raysalwasaaraha dawladda Sheekh Shariif, waxaana warsaxaafadeed ay Somaliya kulankaas ka soo saartay ku sheegtay inay ka wada hadleen xaaladaha kala duwan ee Somaliya, waxaanu ka codsaday inay dawladoodu u baahantahay in la garab istaago. “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta [shalay] la kulmay mas’uuliyiiin ay ka mid yihiin Congressman Donald Payne, Congressman Chris Smith oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Africa, iyo Congressman Keith Ellison oo laga soo doortay magaalada Minnesota oo ay Somalidu ku badanyihiin.” Sidaas ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka, waxaana intaas la raaciyay, “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay mas’uuliyiintan sidii loo sii xoojin lahaa horumarka dowladda Soomaaliya ay ka sameysey arrimaha amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, iyo arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo siyaasadda.”

Somaliland:

Gelinkii dambe ee shalay waxa la sheegay inay saddexdaas Mudane isna la kulmeen Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi, waxaana kulankaas shalay warsaxaafadeed ka soo saaray, Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, waxaanu kaga waramay nuxurkii kulamadaasi lagaga hadlay nuxurka kulamadaasi waxaanu u dhignaa sidan:-  “Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland. Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo socdaal dublamaasiyadeed oo ku wajahan sidii Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi caalami ah ku jooga cariga maraykanka ayaa kulamo la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawlada maraykanka. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu kulamadan la yeeshay gudoomiyaha Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada maraykanka Chris Smith oo ka tirsan xisbiga Republican-ka ee imika ka taliya Aqalka Wakiilada, Representative Donald Payne Gudoomiye ku xigeenka Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada kana tirsan xisbiga Democratic-ga, Representative Keith Ellison oo ka tirsan xisbiga Democratka Dhinaca Aqalka Senate-ka maraykanka waxa uu Dr. Maxamed C/laahi Cumar Wasiirka khaarajiga Somaliland uu kulan la yeeshay Senator Christopher Coons Gudoomiyaha Gudida Africa ee Agalka Senate-ka kana tirsan xisbiga Democrat-ka, Senator Johnny Gudoomiye Xigeenka Gudidaasi kana tirsan xisbiga Republicanka iyo Senator Mark Kirk oo ah Xubin ka mida Gudida Ansixinta Kharashka Dawlada Maraykanka oo ka tirsan xisbiga Republican-ka.

Dhamaanba Xildhibaanadaasi uu la kulmay Wasiirku waxa uu kala hadlay sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinacyada Aqoonsiga, Dimuqraadiyada, Nabadgelyada, Dhaqaalaha,shaqo abuurista iyo abaaraha ka jira Somaliland oo saamayn ku yeeshay dadweynaha Somaliland, waxaa ay dhamaantoodba masuuliyiintaasi niyadsamaan ka muujiyeen horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca nabadgelyada, dimuqraadiyada, iyo la dagaalanka budhcad badeeda. Waxay dhinacooda muujiyeen masuuliyiintaasi inay Somaliland ka caawin doonaan arrimahaasi uu Wasiirku carabaabay isla mar ahaantaana ay fari doonaan hay’ada USAID in la kordhiyo mucaawimadii la siin jiray Somaliland.”

Gunaanad

Si rasmi ah looma garanayo sababta ay mudanayaashani ku xusheen inay isku maalin la kulmaan masuuliyiinta ka socotay Somaliland iyo Somaliya iyo weliba sababta isku soo beegtay kulamadaas, laakiin waxa la ogyahay in xildhibaanadan gaar haan Donald Payne, yahay nin aaminsan mabda’a federaalka Somaliya, islamarkaana lagu yaqaano sida uu u taageero dawladda Sheekh Shariif, waxaanu sannadkii hore u badheedhay inuu tago magaalada Muqdisho sii uu taageero ugu muujiyo Sheekh Shariif. Mudane Donald Payne, wuxuu hore u cadeeyay inuu dagaal la geli doono Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii uu ku guulaydaraystay in shir uu u qabtay kooxaha Somaliya ay ka qayb gasho xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo si cad u diiday ajandihii siyaasadeed ee shirkaas. Waxaana su’aal la iska weydiin karaa inuu jiro xidhiidh ka dhaxayn kara labadaas kulan iyo in kulamadani qayb ka yihiin dedaalkii uu Donald Payne weligii ugu jiray inuu mar uun meel isugu keeno Somaliland iyo Somaliya iyo in maamulada ka jira dalkii la isku odhan jiray Somaliya ay taageeraan dawladda Sheekh Shariif taas oo haddii ay jirto halis ku ah qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.