Somaliland Oo Heshiis Afar Qodob Ka Kooban La Saxeexatay Kililka Ismaamulka Somalida

0
587

 

gabooseHargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa heshiis afar qodob ka kooban la saxeexatay dawladda Ismaamulka Somalida Itoobiya.

Heshiiskaas oo shalay lagu kala saxeexday magaalada Jigjiga ayaa daba socday kulamo laba maalmood u socday labada dhinac iyadoo dhinaca Somaliland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose ay ka mid ahaayeen labada taliye ciidan ee Booliska iyo Qaranka iyo qaar ka mid ah badhasaabada dalka.

Qodobada heshiiskaas ayaa kala ah

1-ilaalinta iyo xaqdhawrka shuruucda labada dhinac2-ilaalinta-ku dhaqanka dadka iyo baabuurta sharciga Dal ku Galka

3-iskaashiga la dagaalanka Argagaxisada labada Dhinac taasoo micnaheedu yahay in dhanka Somaliland  wixii cadaw ku ah DDS ee ku dhex-dhuumanaya ama soo galaba in ay u soo gudbiso DDS taa dhigeedana DDS ay Somaliland wixii cadaw ku ah u gudbiso.
4-Adkaynta arimaha xog is waydaarsiga iyo Sirdoonka.