Maraykanka Oo Sheegay Tirada Dalkiisa U Dhalatay Ee Ku Biirtay Al-Shabaab

0
871

Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in in ka badan afar ruux oo haysta dhalashada dalka Maraykanku ku biireen kooxda ka dagaalanta Somaliya ee Al-Shabaab.

King R-N.Y. oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka aqalka Koongarayska Maraykanka u qaabilsan arrimaha nabadgelyada ayaa shalay golahaas ka hor sheegay in baadhis ay guddigiisu sameeyeen ku ogaadeen in tiradaas ah afartanka ruux ay 15 ka mid ahi ku geeriyoodeen dagaaladii ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyey ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab. Laakiin hay’adaha ammaan ee Maraykanka ayaa rumaysan in 21 ka mid ah dadkaasi ay dhinteen.

Waxaanu sheegay inay guddigooda layaab ku noqotay markii ay ogaadeen tirada intaas lee geeg ee inta maskaxda laga bedelay lagu qanciyay inay Muqdisho ka dhex dagaalamaan.

Dadkan Maraykanka ah ee tagay Muqdisho ayaa u badan dhallinyaro Somali ah oo siyaabo kala duwan loogu qanciyay inay ka barbar dagaalamaan Al-Shabaab, halka qaarkoodna ay ka mid yihiin hoggaamiyayaasha sar sare ee Al-Shabaab.