Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U Horaysay Safar Ku Tagay Gobalada Gabiley Iyo Awdal

0
793

 

kkkkkkkkkkkkHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay socdaal ku tagay magaalooyinka Borama iyo Gabiley ee labada Gabol ee Gabiley iyo Awdal, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo xalay u hoyday magaalada Gabiley.

Weftiga Madaxweynaha oo ay ujeedadiisu ahayd ka qayb galka xaflad loo sameeyay dufcadii 10aad ee ka qalin jebisay jaamacadda Camuud, ayaa markii uu sii jeeday magaalada Borama waxa si diiran u so dhaweeyay dadweynaha Gabiley, inkastoo ay jireen dad kooban oo muujiyay mucaaradnimo ay kaga soo horjeedaan Madaxweynaha. Waxaana arrintaas loo xidhay dhawr qof oo uu ku jiro xoghayihii KULMIYE ee gobalka Gabiley Cabdiraxmaan Xaashi Aw Jaamac iyo nin lagu magacaabo Haybe Axmed Xirsi oo ka mid ahaan jiray taageerayaashii xisbiga UDUB iyadoo la sheegay in qaar kale oo ka mid ah dhallinyarada magaaladana lagu raad joogo.

Markii uu Madaxweyne Siilaanyo gelinkii dambe ee shalay soo gaadhay magaalada Gabiley oo uu xalay u hoyday waxa uu kala kulmay soo dhawayn aad u balaadhan, waxaanay dadweynaha Gabiley badankoodu kaga hortageen duleedka galbeed ee magaalada Gabiley, isagoo Madaxweyne Siilaanyana qadar la lugeeyay dadkii soo dhaweeyay oo sitay boodhadh iyo caleemo qoyan oo ay lulayeen.

Si kastaba ha ahaate safarka Madaxweyne Siilaanyo shalay ku tagay Borama iyo Gabiley ayaa ahaa kii u horeeyay ee uu ku tago tan iyo markii loo dhaariyay xilka madaxtinimada Somaliland oo shalay gu’ jirsatay.