Somaliland Oo Go’aamisay Masaafurinta Mr. Abuukar Cawaale (Qaad-diid)

0
795

Picture3Hargeysa(Geeska)-Hay’adda sirdoonka qaranka ayaa Mr. Abuukar Cawaale  (Qaad-diid) oo ah ninkii Ingiriiska uga ololeeyay joojinta qaadka ku amartay inuu Somaliland sida ugu dhaqsaha badan uga baxo.

Xubno ka mid ah sirdoonka qaranka ayaa shalay gudaha Hargeysa ka kaxaystay ninkan iyagoo la soo yeeshay waraysi, waxaana la sheegay in sirdoonku daawad siiyeen muuqaalka xaflad ay dhawaan kooxo Somaliland diid ahi qabsadeen oo laga soo duubay isagoo ka qayb galay kana hadlaya. Waxaana la sheegay in markii dambe lagu soo celiyay goobtii uu degenaa balse lagu amray inuu wadanka deg deg uga baxo.

Waxa kale oo  la sheegay inay hay’adaha ammaanka qaranku joojiyeen kulan uu caawa ku qabanayay magaalada Hargeysa oo uu kaga hadlayay qaadka iyo dhibaatadiisa oo ay soo abaabuleen qaar ka mid ah xawaaaladaha Somalida ee Somaliland xafiisyada ku lihi, waxaana la sheegay in lagu amray inuu wadanka sida ugu dhaqsaha badan uga baxo iyadoo xafladiina caawuna sidaas ku baaqatay.