Somaliland: Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida Oo Ka Hadashay Dilalka Saraakiisha Iyo Qorshaha Lagaga Hor-tagi Karo

0
541

“Waxaanu Wadnaa In Sarkaalka Sarkaalka Dila, Ama Askariga Askariga Dila In Aan La Aasin Ilaa Lala Aaso..”

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ee Gobollada Bariga Gaashanle sare Ismaaciil Aw Cali Faarax (Casayr), ayaa sheegay inuu diyaar ka yahay qorshe la doonayo in Askariga dila Askari kale in markaaba la raaciyo oo la qisaaso, si looga badbaado dhibaatooyinka iyo dilalka ka dhex dhaca Ciidammada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Gobollada bariga dalka, ayaa sida uu Xalay baahiyey Telefiishanka SAAB, wuxuu sheegay inay Madaxweynaha iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Qaranka ay saxeexyo ka sugayaan, si Tallaabadaa loo qaado, si looga hor-tago dilalka Saraakiisha iyo Ciidammada kale ee Qaranka oo Bilihii u dambeeyay ku soo noqnoqday Ciidammada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Somaliland ee Gobolada Barri Gaashanle sare Ismaaciil Aw Cali Faarax Casayr, oo ka hadlay munaasibada sannad guurada ee Ciidamada Qaranka oo shalay ku beegnayd, laguna qabtay magaalada Burco wuxuu yidhi “Ninka dablaha ah iyo ninka ugu sareeya nin walba waa xeer beegti Ciidanka Qaranka, markaad eegto ama xukunto ama aad dhex gasho, laakiin baryahan dambe waxaa dhacay dhacdooyin badan oo Ciidanka ka dhex dhacay, waxaad ogaataan anagu sharciga ayaanu qaabilsan nahay, waxaa dhacday wakhti wakhtiyada ka mid ah ayaa nin kornayl ahi wuxuu dilay nin kornayl ahaa, shantii galabnimo ayaa la isla aasay, Geelle ayaa markaas Maxkamadda haystay, imika waxaanu wadnaa in Sarkaalka Sarkaalka dila, ama Askariga Askariga dila in aan la aasin ilaa lala aaso, taasina waxay imanaysa markay Xukuumadda waraaquhu gaadhaan, Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliska, ama dhammaan ciidamada oo dhan markay gaadho waxaa iman doonta inay saacado qaadan doonto xukunkoodu, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘kal baqa ayey leedahay ee kal xishooda ma leh’, haddii uu dilku batana fashil baa imanaya, si aanay taasi u dhicin waxaanu go’aaminay oo aanu waraaqaha ku qornay in Askarigii Askari dila inaanu saacaddiisa dhaafin oo aan la aasin ilaa kii kale lala aaso, ayaanu diyaarinay, Madaxweynaha iyo Jananka ayaana laga sugayaa go’aanka, haddii aan la soo sharci garayna waxay noqonaysaa inay muddo qaadato, si aanay mudadaas u qaadan ayaa arrintaas lagu daba jiraa..”

Mar uu baaq u diraayey Ciidamada wuxuu yidhi “Waxaan idinkula talinayaa idinkiinan i hor fadhiya, iyo wixii kale ee i dhagaysanayaba dhammaan Ciidamadu inay iska taxadiraan, oo Tababarkooda lagu daro habkii looga wacyigelin lahaa oo Ciidamadu markay lix bilood ama shan bilood joogaan in tababar la galiyo ayey u baahan yihiin, ninka Sarkaalka ah ama Askariga ah wixii xun baa laga tuuraa, wixii wanaagsan baa la faraa, marka lagu cel-celiyo waxaa iman doonto inuu qofku fahmo..”

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Gobollada bariga Somaliland, ayaa ku soo beegmaya Toddobaad ka dib, markii Askari toogasho ku dilay Taliyihii Ciidammada Milletariga ee Saldhigga Gorayo-cawl ee galbeedka dalka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office