Waxyaabihii Ku Cusbaa Xuska Ciidammada Qaranka & Derajooyinka Saraakiisha Dawladaha Jaarka Ee Ka Soo Qayb-galay

0
621

Hargeysa (Geeska) – Caasimadda Somaliland, waxa Shalay lagu qabtay Xuska 28 Guurada Aasaaska Ciidammada Qaranka.

Xuskan oo sannad kasta la qabto, waxa ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Shir-guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka, Wasiirro, Saraakiisha Ciidammada Qalabka sida, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo marti-sharaf kale oo ay ku jiraan Safiirro ka socdey Dalalka Somaliland Saaxiibka la’ ah.

Xuska 28 Guurada Aasaaska Ciidammada Milletariga Somaliland, ayaa doorkan ka duwanaa Xusaskii ka horreeyay, marka la is barbar-dhigo Wufuudda lagu marti-qaaday sannadkan.

Tusaale ahaan, Dawladda Itoobiya waxay Xafladda 28 Guurada Aasaaska Ciidammada Qaranka u soo dirtay Taliyaha Guud ee  Ciidamada Itoobiya Berhanu Bekele, kaasi ka qayb-galay xafladda, markii dambana ka mid ahaa Saraakiisha Ciidammada Dawladaha jaarka ee la kulmay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Waxa kale oo Xuska ka qayb-galay Safiirka Dawladda Itoobiya u jooga Hargeysa iyo Taliyaha Ciidammada Liyuu Boolis ee Dawladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Sidoo kale, Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa Xuskan u soo dirtay Taliye-ku-xigeenka ciidanka  militeriga dalka Jabuuti  General  Daahir Cali Maxamed oo ay wehelinayaan Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax, madaxtooyada, Kornayl Maxamed Jaamac Ducaale, ilaalada xeebaha iyo cirka, Kornayl Wacays Cumar Boqore iyo Safiirka Dalka Jabuuti ee Somaliland.

Jabuuti ayaa hore Xusaska noocan ah ugu soo diri jirtay Wefti Heer Wasiir ah, halka ay hadda u beddeshay Saraakiil Ciidan oo derajadoodu sarrayso, halka Itoobiya ay markii ugu horraysay soo dirtay Taliyaha guud ee Ciidammada Milletariga.

Waxa xusid mudan inay X0u0ska ka soo qayb-galeen Xuska Danjireyaasha Taiwan iyo Turkiga u jooga Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office