Dawladda Somaliland Oo Wefti Culus U Diraysa Taiwan, Ka Dib Markii Marti-qaad Laga Helay Madaxweynaha Dalkaasi

0
686

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa Wefti heer sare ah u diraysa Dalka Taiwan.

Ma jiro War rasmiya oo Xukuumaddu ku sheegtay weftiga la dirayo, balse Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa sheegay in Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud ay dhawaan safar ugu baxayaan Dalka Taiwan, ka dib markii Jamhuuriyadda Somaliland Marti-qaad rasmiya ka heshay Madaxweynaha dalkaasi Tsai Ing-wen.

Weftigan oo noqon doona kii ugu cuslaa ee ay Somaliland u dirayso Taiwan, tan iyo markii ay xidhiidhka samaysteen labada dal, waxaana Weftigaasi Wasiirka Arrimaha dibedda ka mid noqon doona Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Cumar iyo Xubno kale oo muhiim ah.

Weftiga ayaa la filayaa inay Hargeysa ka ambo-baxaan 7-da bishan February 2022-ka.

Geeska.net/Hargeisa Office