Wiilal Walaalo Ahaa Oo Ku Dhintay Miino Kula Kacday Galbeedka Magaalada Berbera Iyo Booliska Oo Ka Hadlay

0
684

Berbera (Geeska) – Laba Wiil oo Walaalo ahaa, ayaa ku dhintay galbeedka Magaalada Berbera, ka dib markii ay ku qaraxday Miino ay ku ciyaarayeen oo sida la sheegay ay galiyeen dab Cunto loogu karinayey.

Labadan Wiil oo Magacyadoodu kala ahaayeen Shaafici Cabdi Jaamac oo 7 jir ahaa iyo Subeer Cabdi Jaamac oo 3 jir ahaa, ayaa waxa Qoyskoodu ka mid ahaa Dad reer Guuraaya ah oo a soo hayaamay dhul Abaar ah isla-markaana dhawaan uun soo degay duleedka Magaalada Berbera.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Cabdi Cali Xayd oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warrmay sida u dhacay Shilkan naxdinta lihi, waxaanu yidhi  “Dad badan oo sooguurto ah ayaa xeebta soo degay, Dadkaasi deegaano Abaar ah ayay ka soo guureen, labadan Carruurta ahi dadkaasi ayay ka mid ahaayeen. Kaantaroolka looga baxo Hargeysa dhinaciisa Koonfur-galbeed ayay labada Carruurta ah ee yaryari ka heleen hadhaagii Hubkii Dawladdii hore, markaa Bam bay soo qaateen, dabadeedna dabkii cuntada loogu karinayey ayay geliyeen markaas ayay ku qaraxday oo ay labadaa Carruur ahi ku geeriyoodeen.”

Taliyuhu wuxuu sheegay ookale “Shaafici Cabdi Jaamac oo 7 jir ahaa iyo Subeer Cabdi Jaamac oo 3 jir ah oo ay Hooyo iyo Aabbo wada dhaleen, Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Xukuumadda, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee Bulshada ugu baaqay in la caawiyo oo wax la taro Qoyskaa labada carruur ahi ka dhinteen, isagoo Ilaahay uga baryey inuu Cawed khayr qaba ugu beddelo.

Geeska.net/Hargeisa Office