Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday Heshiis

0
519

Addis-ababa(Geeska)-Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan sidii ay Itoobiya u isticmaali lahayd dekedda Berbera.

1

Heshiiskan ayaa yimid shir labada dawladood dhawr maalmood uga socday magaalada Debre-zeit ee dalka Itoobiya, iyadoo shirkaas lagu darsay isu socodka badeecadaha ee labada dal iyo sidii ay Itoobiya u isticmaali lahayd dekedda Berbera.

Heshiiskan waxa dhinaca Somaliland u saxeexay maareeyaha dekedda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, halka uu dhinaca Itoobiya u saxeexay madaxa hawlaha badaha iyo badeecadaha soo mara  Mr. Mekonnen Abera, waxaanay labada masuul oo halkaas hadal kooban ka jeediyay sheegeen inay labada dawladood si rasmi ah u bilaabi doonaan fulinta heshiiskan, waxaanay labada masulba sheegeen inuu dhinac walba dawladiisa fulin doonto heshiiskan.

Danjiraha Somaliland u fadhiya Itoobiya Aadan Muuse Jibriil, oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadii saxeexa heshiiskaas, ayaa soo dhaweeyay heshiiskaas oo uu sheegay inuu yahay iskaashi u bilaabmay labada wadan.

 

nguage:en-US'>