Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere Oo Ka Hadlay Doorashada Djibouti Dhawaan Ka Dhacaysa

0
539

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Doorashada ku soo fool leh Wadanka Jabuuti, ee la filayo inay todobaadka dambe ka qabsoonto, waxaanu reer Jabuuti ugu baaqay in aanay Doorashada iska carqaladayn ee ay si nabadgalyo ah u galaan.

1

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo u waramayaWargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in tan iyo markii uu xilka Madaxweyne uu la wareegay Ismaaciil Cumar Geele inuu horumar balaadhan gaadhsiiyey dalka Jabuuti, waxaanu sidoo kale ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, isaga oo si gaar ah u amaanay waxqabadka Safiirka Somaliland ee Jabuuti oo uu sheegay inuu wax badan qabtay, isaga oo arimahan ka hadlayana waxa uu yidhi "Wadanka Jabuuti Doorasho ayaa ku soo fool leh, waxaan rajaynayaa in Doorashadaasi ku dhacdo si nabadgalyo ah, Shacabka reer Jabuutina waxa aan leeyahay ku dadaala inaad nabadiina adkaysataan, iskana ilaaliya wax walba oo carqalad galinaya nabada dalkiina, oo Doorashadana si nabadgalyo ku jirto ku gala, Xisbiyada Mucaaradka Jabuutina waxa aan leeyahay cid walba barnaamijka ay soo bandhigto ayaa lagu doortaa, ee tartankiina daacad ka ahaada, oo si wanaagsan Doorashada u gala, codkiinana aamina"

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheer ayaa mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha Jabuuti waxa uu yidhi "Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Muddane Ismaaciil Cumar Geele, markii uu xilka Madaxtinimo uu la wareegay sida uu dalka Jabuuti ahaa waa la garanayaa,balse waxa cad oo aan wax la qarin karo ahayn horumarka balaadhan ee dhinac kasta ah ee uu gaadhsiiyey, haddii ay tahay dhinaca dhismaha Wadanka, dhinaca horumarka, dhinaca ilaalinta amaanka iyo dhinac kasta, markaas isma lihi cid uga haboon ayaa jirta in mar kale la doorto"

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa mar uu ka hadlaayey Safiirka Somaliland ee Jabuuti ayaa yidhi "Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti meel wanaagsan ayuu maraya, waxaana ku bogaadinaya Safiirka Somaliland ee Jabuuti Maxamed Warsame, horumarka balaadhan ee uu ka sameeyey isku xidhka iyo xidhiidhka labada dal, waana ku hambaliyeynayaa, waxaana leeyahay halkaas ka sii wad dadaalka.

Inkasta oo ay dhawaan iska hor imaad yari dhacayna kolay arintii waa lagu jiraa, balse waxa aan aad ugu rajo weynahay in xidhiidhka labada dal uu mar walba ahaado mid sii kora, sarena u kaca",