Murashaxnimada Muniir Axmed Cigaal Oo Si Weyn Looga Soo Dhaweeyay Magaalada Burco

0
545

Hargeysa(Geeska)-Gobolka Togdheer oo kamid ah Gobolada ugu saamaynta badan Somaliland dhinaca siyaasadda, ayaa si weyn looga tageeray Murrashaxnimada Wariye Muniir Axmed Cigaal, oo dhawaan laysku raacay inuu kamid noqdo Murrashaxiinta Golaha Wakiilada ee Gobolka Saaxil.

 Cuqaasha, Odayaasha, Waxgaradka iyo aqoonyahanka Beesha Abokor Axmed oo kamid ah Beelaha Axmed Faarax Habarjeclo, ayaa shir weyn oo ay ku qabteen Magaalada Burco waxay ku shaciyeen inay si midaysan u taagersan yihiin Murrashaxnimada Muniir Axmed Cigaal, ayna hanbalyey nayaan, wax kastana la garab taaganyihiin.

1

 Sidoo kale waxay Waxgaradkani siweyn ugu mahad naqeen, Odayaasha, Guddida iyo Dadka degaanka Saaxil ee isku raacay inay si midaysan ugu soo sharaxaan Muniir Axmed Cigaal, inuu kamid noqdo xubnaha Doorashada Wakiilada ka tartami doona Gobolka Saaxil.

Shirkan oo ahaa kii ugu ballaadhna ee bilihii ugu danbeyay ka dhaca Magaalada Burco, wuxuu muujiyay tageerada miisanka leh ee Saxafi Muniir Axmed Cigaal ku dhex leeyahay bulshada.