Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Sheegay In Madaxweynaha & Komiishanka Doorashooyinku Isla Qaateen In Doorashada Madaxtooyada Xilligeeda  Lagu Qabto

0
461

Diyaar-garowga Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, Dhaqaalaha Lagu Qabanayo Iyo Qorsheyaasha kale ee socda

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka, ayaa isla qaatay in doorashada Madaxtooyada lagu qabto wakhtigeeda oo ku beegan dabaqaayada sannadka dambe ee 2022-ka, haddii Eebbe ogolaado.

Sidaana waxa sheegay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Shalay Gole-weynaha Wakiillada War-bixin ka siiyey diyaar-garowga doorashada iyo diwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Axmed Cali Casoowe oo Gole-weynaha u akhriyey War-bixintooda ku saabsan kulan ay la yeesheen Guddiga doorashooyinka iyo xog ay Guddigaasi ka siiyeen xilliga doorashada Madaxtooyada la qabanayo iyo waxay Madaxweynaha arrintaasi iska yidhaahdeen.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga joogtada ah oo Arrimahaa ka warramayaana wuxuu yidhi “Kulanka Madaxweynaha iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka, waxa la isla qaatay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso, loona diyaar-garoobo, sannadka lix bilood oo ka mid ahna in Diwaangelinta loo diyaar-garoobo, taasi oo ah December 2021 illaa June, 2022, November iyo wixii ka dambeeyana la gudo-galo hawlihii doorashooyinka. Waxa kale oo ay sheegeen in Wakhtigu iska qorshaysan yahay, haddana xilligii ansixinta Miisaaniyadda lagu jiro, halkaana kharashkii doorashooyinku ka soo bixi doono haddii Alle yidhaahdo.”

Xildhibaan Axmed Cali Casoowe waxa kale oo uu sheegay in Guddiga doorashadu u sheegeen “Dawladaha iyo Ururrada innaga taageera doorashooyinku waxay ballan-qaadeen inay taageero buuxda oo dhanka Farsamada ah iyo dhanka dhaqaalaha ka geysanayaan qabsoomidda doorashooyinka.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Komiishanku ku war-geliyeen in Xisbiyada Qaranku soo dhaweeyeen in doorashada Madaxtooyada xilligeeda lagu qabto.

 

Geeska.net/Hargeisa Office