Mawqifka Somaliland Ka Qaadatay Dagaalka Itoobiya, Ma Wuxuu Tilmaan U Yahay Heerka Xidhiidhka Addis Ababa & Hargeysa Ee Xilligan ?

0
692

Haddii Dagaalka Socdaa Sababo In Dawladnimada Itoobiya burburto, Maxaa Somaliland Ku Dhici Kara ?

Nairobi (Geeska) – Rashiid Cabdi oo ah diblumaasi fadhigiisu yahay dalka Kenya, ayaa ka hadlay saamaynta uu dagaalka Itoobiya ku yeelan karo Somaliland.

Rashiid Cabdi wuxuu si gaar isku dul-taagay khasaaraha Somaliland ka soo gaadhi kara Haddii dagaalka socdaa uu sababo in Itoobiya burburto, waxaanu sheegay in arrintaasi masiibo ku noqon karto Somaliland.

Diblumaasigan oo falanqeeya arrimaha Bariga Afrika iyo Caalamka Intiisa kale, ayaa sheegay in 30-kii sanadood ee u dambeeyay ay Itoobiya u ahayd Somaliland gaashaan Istaraatiji ah isla-markaana ka hiraysey dhibaatooyinka.

“30-kii sanadood ee la soo dhaafay, Itoobiya waxay Somaliland ula dhaqmaysay sida inay tahay Gaashaan Isataraatiji ah, waxayna ka hiraysey dhibaatooyinka..” ayuu Rashiid Cabdi ku qoray bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaa ku daray “Burburka Itoobiya wuxuu saameyn xun ku yeelanayaa Geeska Afrika oo dhan, Somaliland-na wuxuu ku noqon karaa Masiibo..”

Sidoo kale, Faallo dheer oo Rashiid Cabdi ku baahiyey Mareegta Somali Wire, taasi oo lagu falan-qeeyay xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya ee 30-kii sanadood ee u dambeeyay iyo isbeddellada yimid 4-tii sanadood ee Raysal-wasaare Abyi Axmed uu Itoobiya xukumayey, ayaa lagu sheegay in xidhiidhkii soo jireenka ahaa wax iska beddeleen, ka dib markii Raysal-wasaare Abiy Axmed uu xidhiidh la sameeyay Muqdisho.

Rashiid wuxuu qoraalkiisa Somali Wire lagu daabacay ku sheegay in hadalkii Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud ku sheegay in aanay faro-gelinayn arrimaha gudaha Itoobiya mar BBC-du wax ka waydiisay mawqifka Somaliland ee dagaalka Dawladda Itoobiya kula jirto Jabhadda TPLF, taasi muujinayso xaaladda jrta ee labada dhinac “Waa tilmaan si cad u muujinaysa inaan wax walba wanaagsanayn..” ayuu qoray Rashiid Cabdi oo dibaaqaya hadalka Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office