Marxuum/Mujaahid Aadan-Cadde Oo Shalay Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska

0
1416

 

aadan cadeHargeysa(Geeska)-Alle haw naxariste waxa shalay magaalada London ku geeriyooday Marxuum Aadan Cabdi Abyan (Aadan-Cadde), oo ka mid ahaa saraakiishii milatari ee ururkii SNM.

Marxuum Aadan-Cadde, oo dhawrkii bilood ee u dambeeyay xanuun u jiifay, wuxuu geeriyooday shalay gelinkii dambe. Alle haw naxariste Aadan-Cadde, wuxuu ahaa saraakiishii SNM ee 31 May Hargeysa ku soo gashay dagaalkii furaha u noqday dib u xoraynta Somaliland, waxaanu markaas ahaa taliyihii guutadii Sancaani ee SNM. “Alle haw naxariste wuxuu ahaa mujaahid maalkiisa iyo naftiisa u horay dagaalkii dib u xoraynta dalka.” Sidaas waxa yidhi Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganey) oo ka waramay kaalintii uu Aadan-Cadde ku lahaa halganka.

Marxuum Aadan-Cadde, wuxuu dhaawac xumi soo gaadhay 6 june, 1988 isagoo dagaal kaga jiray gudaha magaalada Hargeysa, waxaanu dhaawacaasi sababay inay labada indhood ka soo dhacaan, laakiin markii dambe waxa indhaha loogu jeexay dalka Ingiriiska oo loo qaaday. “Isaga iyo laba nin oo kale waxay ahaayeen dhawrkii sarkaal ee markii dagaalkii Hargeysa aanu ku soo galnay sii kululaaday aan magaalada ka bixin ee dagaalka kaga jiray, markii uu dhaawacmayna qofkii qaaday wuxuu ahaa aniga.” Ayuu yidhi Xasan Maxamed Ubaxle. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tacsi u diray ummada, qoyska iyo asxaabta uu ka geeriyooday marxuum Aadan Cadde.

Alle haw naxariste Marxuum Aadan-Cadde, wuxuu ururkii SNM ku biiray sannadkii 1982 oo uu ka goostay keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, waxaanu ifka kaga tagay 8 carruura oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Maydka marxuumka ayaa lagu aasi doonaa magaalada Hargeysa, waxaana la diyaarinayaa sidii loo habayn lahaa isku xidhka diyaaradaha ee looga soo qaadi lahaa magaalada London ee dalka Ingiriiska. Alle haw naxariisto Marxuum Aadan Cabdi Abyan (Aadan-Cadde).