Somaliland: 4 Qof oo Laba Carruur Ahaayeen Oo Ku Dhintay Dab Shalay Ka Kacay Gurigooda Oo Ku Yaalla Magaalada Wajaale

0
424

Cisbitaalka Guud Ee Wajaale Iyo Kuwa Gaarka Loo Leeyahay Oo Lagu Dhaliilay Adeeg Xumo

Wajaale (Geeska) – 4 Qof oo laba Carruur ahaayeen, ayaa ku dhintay dab ka kacay Guri ku yaalla Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley Shalay.

Guriga dabku ka kacay oo ahaa Jiingad, ayaa waxa ku dhintay Laba Carruur ah oo Walaalo ahaa, Hooyadood iyo Habar-yartood, sida uu Shalay baahiyey Telefiishanka HCTV oo Wargeyska Geeska Afrika uu warkan ka soo xigtay.

Si rasmiya looma oga waxa dabku ka dhashay, balse Qofkii koowaad ee Gurigaa gaadhay markii Masiibadu dhacday, ayaa sheegay in Qoyska Gurigu uu hoosta kaga xidhnaa, sidaasi darteedna markii uu gaadhay uu laba Carruur ah oo xaalad culus ku sugnaa ula Cararray xagga laba Dhakhtar oo ku yaalla Wajaale, balse uu ka waayay Ogsajiin lagu xidhay, markii dambana uu ka helay Cisbitaalka guud ee Magaalada Wajaale, halkaasi oo looga helay Ogsajiin “Markii aan Guriga imid, waxaan qaaday laba Carruur ah, waxaan u tagay Cisbitaalka gaarka ah ee Bile, waxay yidhaahdeen Ogsajiin ma hayno, haddana Daryeel baan la tagay, Ogsajiin ma hayno ayay yidhaahdeen, ka dibna Cisbitaalka guud baan la tagay, Laba Hablood oo joogay baa labadii Carruur ahaa ku xidhay Ogsajiin..” ayuu yidhi Nin u warramay Telefiishanka HCTV.

Illaa hadda Maamulka Gobolka Gabiley iyo ka Jawaale midna kama hadal Masiibada Sababtay Geerida Afarta qof, balse sida uu Telefiishanka HCTV sheegay Meydadka 4-ta Qof iyo Saddex Carruur ah oo dabkaa ka bedbaaday ayaa la geeyay Magaalada Gabiley.

Guud ahaan Somaliland, waxa ku badan gubashada Guryaha, taasi oo sababta Geerida Dad badan iyo khasaare hantiyeed.

 

Geeska.net/Hargeisa Office