Sheekh Dirir Oo Ka Hadlay Abaarta Dalka Ka Jirta, Kuna baaqay In Dadka Dhibaataysan Wada-jir Loogu Gurmado

0
483

“Umadda Baahan Waa In Loo Gurmadaa” Sheekh Dirir

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir, ayaa bulshada ugu baaqay inay u gurmadaan bulshada walaalahood, isla-markaana wakhtigan abaaraha iyo kaliishu jirto in dadku gudo iyo dibed-ba ay gurmadka kaga qeybgelayaan raashinka, biyaha iyo weliba daawooyinka.
Khudbadii Jimcaha oo Sheekh Maxamed ku soo qaatay xaaladda abaaraha taagan iyo dhibaatada dadka u badan xoolo-dhaqatada ay u geysatay ayaa sheegay inuu khudbadii Jimcahii hore kaga hadlay abaaraha, khudbadana ay sii xoojinayso oo bixinta raashinka ka hadlayso.
“Wakhtiyada qaarkood dadku waxbay dhisanayaan, ama horumar ayey samaynayaan, wakhtiyada qaarkoodna dadka gurmad ayaa loo samaynayaa, si gaajo looga ilaaliyo. Xaaladan oo kale waxyaalaha daruuriyaadka la yidhaahdo ayaa muhiim ah in dadka loogu deeqo. Qofka bani’aadamku waxyaalaha uu isticmaalo saddex ayaa loo qeybiyaa, Daruuriyaad, oo ah waxyaalaha loo dhimanayo, sida cuntada iyo biyaha, ee wakhtiyadda gurmadka kow laga dhigo. Waxyaalo qofku heli karo, iskana deyn karo, waxyaalo kalena qofku isqurxin iwm ayuu u isticmaala.”
Sheekh Maxamed oo ka hadlayey waxa xilligan bulshada abaarahu ku dhaceen sida weyn ugu baahan yihiin ayaa sheegay inay yihiin waxii daruuriyaadka ahaa ee cuntada iyo cabitaanka, isla-markaana raaciyey, in Islaamku si weyn u dhiirigeliyey bixinta daruuriyaadka wakhtiyada baahida weyn loo qabo, sida xilligan abaaraha.
Mar uu ka hadlayey fadliga sadaqada daruuriyaadka islaamku siiyey, kuna dhiirigeliyey ummada islaamka ayuu sheegay Sheekh Maxamed, in dadka, duunyada iyo xawayaanka oo cunto ama biyo la siiyo xilliyadan oo kale islaamku fadli badan ku sheegay, isla-markaana ILAAHAY SW quraanka dhexdiisa ku xusay in wax bixintu tahay sifada sammo-falayaasha, oo qof u dhow iyo qof ka dheerba cunto siiyaan ama raashinka ay bixiyaan, iyagoo u baahan, isla markaana wejiga ILAAHAY SW ku raadinaya.
Wuxuu kale oo sheegay Sheekh Maxamed in raashinka la bixiyo, oo hilibku ku jiro tahay sababaha jannada lagu helo. Saxaabigii Cabdillahi ibnu Salaam la odhan jiray RC oo culimadii reer binu israa’il ka mid ahaa, markii dambe ee u islaamayna saxaabi weyn noqday oo Kitaabka iyo kuwii hore yaqaanay, waxuu yidhi “Markii Nebigu CSW magaalada Madiina yimi, dadkii ugu horeeyey ee dhegeysannayey ayaan ku jiray, hadalladiisii markiiba way I soo jiiteen oo qalbigeyga ku degeen, maadama aan kutubtii hore ka maqlay, kana mid ahaayeen “Dadoow, raashinka bixiya oo dadka siiya, qaraabada xidhiidhiya, habeenkii ILAAHAY caabuda, Jannada ayaad nabadgelyo ku geli doontaan.”
Wuxuu ka mid yahay bixinta raashinku, sababaha cadaabka Alle lagaga badbaado, sida Nebigu CSW xadiiskii Bukhaari & Muslim ku sugnaa inoogu sheegay “Gaashaan ka samaysta naarta, xabad timir jeexeed-na ha ahaatee.” Xadiis kale waxuu Nebigu CSW ku sheegay in dadka ugu sharafta badan yihiin kuwa dadka cuntada siiya. Bixinta raashinka ama biyahu waa acmaasha keydadka ILAAHAY SW agtiisa qofka u yaala kuwa ugu muhiimsan, sida Xadiis saxeex ah oo Tarmidi ku sugan, sheegayo in Nebigu CSW maalin neef qalay, marwadiisii Caa’isha RC qeydhinkii ayey ku wada bixisay garab mooyee, ka warran ayuu Nebigu CSW ku yidhi Caa’isha RC, waxay tidhi, garab keliya hadhay, baaqigii waan wada bixiyey, Nebiguna SCW sida kale ayuu u fahamsiiyo oo yidhi ‘Dhamaan hilibkii neefku ILAAHAY SW agtiisa ayuu inoo yaala, garabka keliya mooyee’
Rasuulku CSW waxuu saxaabada ku dhiirigelin jiray inay wax bixinta weliba hilibka ku dedaalaan, oo xitaa maraqa badiyaan, jaararkoodana ogaadaan, wakhtigan aynu joogno dad badan ayaan oonta xoolaha mudooyin arkin, iyagoo waslad hilib ah hayntoodu tahli weydo, markaa waxa haboon in dadka gudaha iyo dibedda jooga iska kaashadaan biyaha iyo baadka dadku cunayaan. Deeqda ugu muhiimsan ayey wakhtigan ka mid tahay, oo laga yaabo dad badan oo awoodi kara inay usbuucii dhowr neef inta ay qalaan ku saddaqeystaan dadka danyarta ah iyo jaararkooda ay moogan yihiin”
Sheekh Maxamed oo ka hadlayey cidda la siinayo ayuu sheegay in Quraanku cayimay cidda ay mudan tahay in cuntada ama biyaha la siiyo, sida ILAAHAY SW quraanka inoogu sheegay waxaad gowracdaan “Wax ka Cunna, qofka baahan ee faqiirka ahna siiya.” Gurmadka degdega ah ka ugu horeeya ee ugu mudan weeye. Mar kale ILAAHAY SW waxuu inoo sheegay “xoolaha Xaramka aad ku gowracdaan wax ka cunna, qofka baahan ee xishoonaya, ee dadka aan waxba weydiisan, iyo qofka hore u soo fadhiya ee ii dhiiba leh, labadaba wax siiya.”
Sheekh Maxamed ayaa bulshada ku baraarujiyey in xilligan abaaraha lagu jiro aan lagu koobnaan keliya dadka iyo xoolahooda, balse sidoo kale aan la ilaawin xawayaanka duurjoogta ah, isagoo sheegay in muuqaalada qaarkood xilliyadan ku arkaysid doofaarkii dadka ka ordi jiray oo xoolahii la soo arooraya, haddii laga reebanna aan ka hadhayn, sababtoo ah meel kale oo uu biyo ka helo ma jiraan. Saxaabadu mar ay Nebiga CSW weydiiyeen waxuu yidhi “Noole kasta oo beer qoyan, biyo iyo baad waxii la siiyo, ajar ayaa lagu helayaa.”
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Islaamku ka digay in qofku maalka ILAAHAY SW siiyey iska haysto, kana bixin waayo waajibaadkii la faray ama sadaqada, wuxuu kale oo sharaxaad ka bixiyey marka bulshada islaamku inta awooda ee ILAAHAY SW hanti siiyey ka baaqsadaan inay bixiyaan oo siiyaan cunto iyo biyo dadka u baahan, ama aad dadka bakhaylnimmo farto, sida ILAAHAY SW quraanka inoogu digay, isagoo inoo tilmaamaya dadka cadaabta ILAAHAY SW ha innaga badbaadiyee, gala yihiin kuwa dadka baahan wax siintooda aan gudan jirin, “Agoomaha ma maamuusi jirin, mana xaqdhowri jirin, wax bixiyana dadka ma odhan jirin” cuntada bixinteeda waa la wada arkayaa, inay guryo badan gaadho ayaa wanaagsan kana fiican bixinta lacagta oo inyar jeebabka gashanayso.
Islaamkuna muhiimada uu ka leeyahay waa sidaa, taasoo aad arkaysid in waxyaalaha badan ee waajibaadka islaamku ka dhigay in la bixiyo aanay lacag ku jirin.
Meelaha ku haboon in lagu bixiyo raashinka oo sheekh Maxamed ka hadlayey ayuu sheegay in wax kastoo dadka anfaca ay fiican tahay bixinteeda. Waxuu sheegay in islaamku meelahan soo socda dhiirigeliyey in raashin lagu bixiyo, waxaanay kala yihiin
Sakaatul-Fidriga, oo qowlka jamhuuriga raajixa yahay in raashin lagu bixiyo. Wax ka mid ah xoolaha xaranka lagu qallo. Udxiyada ciida. Nadarka qofku markuu neef nadro, xitaa kii jaahilaydii ayuu Nebigu CSW u fasaxay inay oofiyaan. Kafaara-gudka oo raashin bisil ama mid qallalan ah. Wan-qasha. Fidyada, lacag maaha waa raashin. Martida. Beeraha marka la goynayo sida ILAAHAY SW inoogu sheegay. Marka qofku uu guursado.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in arrimaha sare ku soo xusnay uu islaamku ugu tallogalay inaan ummada dhexdeeda lagu gaajoon, waxaanu bulshada ugu baaqay inay habboon tahay wakhtigan abaaraha iyo kaliishu jirto in dadku guddo iyo dibed-ba waxyaalaha ay gurmadka kaga qeyb-gelayaan noqdaan una bataan raashinka iyo biyaha iyo weliba daawooyinku, maadama laga yaabo in cuduro fudud dadka qaar daawo la’aan ugu dhintaan, intaasi waa gurmadka ugu wanaagsan ILAAHAY SW ha innagu anfacee, hana inna waafajiyee, Idamkiisa, aamin.

 

Geeska.net/Hargeisa Office