Hadal-hayn Ka Dhalatay Haweenay Sheegtay Inay Ku Dhalatay Hargeysa Oo Ku Cabatay In Loo Diiday Inay Qaadato Dhalashada Somaliland

0
464

Hargeysa (Geeska) – Haweenay Magaceedu yahay Ayaan Cabdi-weli oo sheegtay in ay Hargaysa ku dhalatay, ku kortay, wax ku baratay, isla-markaana ku dhaqantay, ayaa ku cabatay in dhalashada Somaliland loogu diiday qabiilkeeda awgeed.

Ayaan oo ka soo jeeda Deegaanka Soomaaliga Itoobiya, ayaa waxay sheegtay in ay u baahatay  aqoonsiga dhalashada Somaliland, si ay u qaadato waraaq dambi la’aan ah, oo ay u baahnayd, laakiin aqoonsigii loo diiday kadib markii loo sheegay in anay Somaliland u dhalan.

Ayaan ayaa sheegtay in dhamaan hay’adaha Dawladda u qaabilsan ay booqatay si ay u hesho dhalashadeeda, balse ay diideen, isla-markaana markii danbe loo gudbiyay hay’ada dambi baadhista ee CID-da.

Waxay sheegtay in CID-du ay u sheegeen in ay qaadato aqoonsi daganaansho ah taasi oo ay la yaabtay maadaama oo ay Hargeysa ku dhalatay oo aanay ahayn qof meel kale ka yimid “Qoladii CID-du waxay igu yidhaahdeen kaadh daganaansho ah qaado kadibna, kaas ayaanu faro kuugu samayn doonaa, waxan ku idhi sideen kaadh daganaansho ah u qaataa halkeen ka soo guuray?, qof meel kale ka soo guuray ayaa daganaansho qaatee” ayay tidhi Ayaan oo muuqaal ku baahisay Warbaahinta Internet-ka.

Haweenaydu waxay sheegtay in markaa ka dib ay la xidhiidhay Dawladda Hoose ee Hargeysa oo bixisa kaadhka dhalashada, balse ay ka dalbadeen inay keento Caaqil damiinta, Caaqilka Saygeeda oo arrintaa u sheegtayna uu diiday inuu raaco, taasi oo keentay in loo diido qaadashada dhalashada Somaliland.

Arrintan oo hadal hayn badan ka abuurtay Gudaha Somaliland, ayaa waxa ka jawaabtay Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxayna sheegtay in Cidna aan wax sharci ah loo diidi karin, balse loo baahan yahay in Qofka doonayaa inuu shuruudaha looga baahan yahay buuxiyo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office