Socodku Waxa Uu Wanaajiyaa, Xoojiyaa Caafimaadka Maskaxda Iyo Wadnaha

0
705

Cilmibaadhis (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa gaadhay natiijo tilmaamaysa in socodka xawaarihiisu dhexdhexaadka yahay uu yareeyo xaaladaha caafimaad ee dhaawaca ama daciifiya shaqada iyo heerka faham ee maskaxda, sababta ugu weynina waa xididdada dhiigga maskaxda gaadhsiiya oo xidhmaya ama sidooda aan u shaqaynayn.

Xeeldheerayaal u dhashay dalka Kanada oo cilmibaadhistoodan ku faafiyey Joornaalka Sports Medicine ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in dadka ay tijaabada ku sameeyeen kuwooda aan caadada u lahayn socodka jimicsiga ah ay ahaayeen kuwa fahamkooda ama baraarugsanaantooda maskaxeed aad u hoosayso, taas oo ah xaaladda mararka qaarkood lagu magacaabo asaasaq ku dhaca fahamka iyo wacyiga maskaxda, waxa aanay si guud u xoojisaa caafimaadka maskaxda.

Xeeldheerayaasha oo sharraxayey waxa ay uga jeedaan hoos u dhac ku yimaadda awoodda maskaxda ee fahamka iyo wacyiga ayaa sheegay in ay tahay daciifid ana aad u badnayn oo lagu arko fikirka qofka, ama dareen la odhan karo qofka waxaa ku dhacay cudurka xusuusta dila.

Erisa Leo-Ambrose oo madax ka ahayd cilmibaadhistan oo ka hadlaysa natiijadan ay heleen ayaa tidhi, “Waxaa hubaal ah in jimicsiga jidhka oo laga dhigo mid si joogto ah loo sameeyaa waxa ay wanaajisaa caafimaadka wadnaha iyo guud ahaan jidhkana waa ay fiicnaysaa. Erisa Leo-Ambrose oo madax ka ah cilmibaadhe ka tirsan shaybaadhka lagu eego gabowga iyo xaaladaha la xidhiidha ayaa sheegtay in xarakaadka jidhku sameeyaa ay si weyn u xoojiso caafimaadka maskaxda, isla markaana yarayso xanuunnada aan laga bogsan sida dhiigkarka iyo macaanka noociisa labaad.

Waxa kale oo uu socodku dilaa in Kalastaroolka aanu jidhku u baahnayn, sida oo kale socodku waxa uu ka hortagaa in haddii qofku uu qabo xanuunnada aan dawada lahayn in ay ku keenaan sida marar badan dhacda in dhiiggu uu gaadhiyo waayo maskaxda, halkaasna ay ku weydo dhiiggii, nafaqadii iyo ogsajiintii in ay sida ugu fiican u gaadhaan maskaxda.