Xukuumadda Oo Ka Hadashay Siyaasiyiin Uu Faysal Cali Waraabe Ka Mid Yahay Oo Ka Qayb-galay Shir Lagaga Wada-Hadlay Doorashada Soomaaliya

0
516

Shirka Siyaasiyiintu ka qayb-galeen oo ka dhacay Nairobi, wuxuu ka qabtay Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Dir

 

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay siyaasiyiin reer Somaliland ah oo Toddobaadkan Magaalada Nairobi kaga qayb-galay Shir ay fadhiyeen Siyaasiyiin xilal Wasiirrnimo ka soo qabtay Dawladda Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Magaalada Nairobi Shirka kaga qayb-galay Isla-markaana Xukuumaddu ka hadashay waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Siyaasiga Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo ka mid ah xisbiga Kulmiye.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad loo qabtay 27 Guurada Aasaaska Ciidammada Booliska ayaa sheegay in Soomaaliya ay mar walba dhibaato la doonayaan Somaliland, balse ay nasiib-darro tahay in Siyaasiyiin reer Somaliland ahi ku dhex milmaan oo ay Shirar la galaan Siyaasiyiin Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Dawladda Soomaaliya.

Wasiir Kaahin oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waynu ognahay dhibka ay iyagu mar walba doonayaan inay inagu sameeyaan, laakiin waxaanu doonaynaa inaanu Xamar Dawlado kala noqono oo aynaan dhib isku samaynin, laakiin Siyaasiyiinteenii reer Somaliland qaar baa durba ku milmay oo iyaga iyo Wasiirradii Xamar ay Nairobi shirar kaga wada qayb-galayaan.”

Wasiirku wuxuu su’aal-geliyey  in siyaasiyiinta reer Somaliland ee shirka kaga qayb-galay Nairobi ay u digo-rogteen dhinaca Soomaaliya iyo in kale “Waynu hubsan doonaa inay xaggaa (Soomaaliya) innaga wada qabteen iyo inay farriin cusub inoo soo qaadayaan oo ay leeyihiin Xamar baynu ku noqonaynaa aynaan kala garanayn..”ayuu yidhi.

Shirkan ay Nairobi kaga qayb-galeen Siyaasiyiinta kor ku xusan ayaa waxa qabtay Waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Dir, waxaana lagaga hadlayey oo uu ku saabsanaa doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Geeska.net/Hargeisa Office