Madaxweyne: Maxaad Uga Aamustay Dhawaaqa Turkiga?

0
472

Shacabka reer Somaliland ayaa weli isweydiinaya sababta uu Madaxweyne Siilaanyo uga aamusanyahay dhawaaqa ka soo yeedhay safiirka Turkiga ee dalka Somaliya ee uu ku cadeeyay in ujeedada Turkigu ka leeyahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya tahay soo celinta midnimadii Somaliya.

1

Madaxweyne Siilaanyo oo ah hoggaamiyihii u horeeyay ee Somaliland ku fura jidka wada hadalka Somaliya, islamarkaana Turkiga u xushay inuu dhexdhexaadiye ka noqdo wada hadalada labada dal ee Somaliland iyo Somaliya, ayaa maanta waxa hortaala arrin culus oo ay shacabku saadaalinayeen inay maalin uun cadaan doonto, taas oo ah dhexdhexaad la’aanta dawladda Turkiga ee uu madaxweynuhu aaminay.

Madaxweyne Siilaanyo iyo guud ahaan madaxtooyada ayaa si weyn uga damqada eedaha uga yimaada xisbiyada mucaaradka, waxaana dhawr goor la arkay masuuliyiinta madaxtooyada oo sida fiinta uga qayliyay eeddo musuq iyo maamul xumo oo madaxweynaha loo jeediyay.

Hase yeeshee, waxa su’aal aan weli jawaabteedii la helin u muuqata sababta keentay in Madaxweyne Siilaanyo iyo saraakiisha kale ee madaxtooyadu uga gabanayaan inay ka jawaabaan hadalka dawladda Turkiga ee ka dhanka ah qaddiyadda Somaliland oo awood siinaya dooddii Xasan Sheekh iyo dawladiisa ee ah inay wada hadalada uga danleeyihiin dib u soo celinta midnimadaas riyada ahayd ee burburtay.

Madaxtooyada; bedelkeeda waxa dhawaaqa Turkiga ka jawaabay Mr. Axmed Yuusuf Cilmi oonoqday masuulka keliya ee ka jawaabay hadalka daan-daansiga iyo gar-eexadu ka muuqato ee dawladda Turkiga, waxaanu masuulkani sheegay inay wasaaradu dhambaal dacwad ah u qorayso dawladda Turkiga, islamarkaana ay sugayaan jawaabta Turkiga.

Masuulkani intii taagtiisa ah wuxuu bixiyay hadal wanaagsan oo jawaab u ah dawladda Turkiga iyo safiirkeeda Xamar fadhiya. Hase yeeshee Madaxweynoow masuulkani maaha kii ku haboonaa inuu ka jawaabo dhawaaqa Turkiga, maadaama oo uu Turkigu si cad u cadeeyay inuu taageersanyahay aragtida dawladda Somaliya ee soo celinta midnimadii burburtay ee Somaliya.

Madaxweyne, qaddiyadan uu taabtay Safiirka dalka Turkigu waa qadiyadda laguu doortay inaad dunida ka dhaadhiciso oo aad soo hoyso ictiraafkeeda, waa qaddiyadda laguu doortay inaad difaaceeda oo distoori ah ka shaqayso. Maaha madaxweyne qaddiyadii aad ka aamusi lahayd, waxaana lagaaga fadhiyay inaad ugu yarayn adoo culayska ay arrintani leedahay maanka ku haya aad qaado wixii qaranku xaq laguugu leeyahay.

Madaxweyne, shacabku si fudud uma dhaafi karaan arrintan, waxaanay sugayaan jawaabta aad adiga iyo xukuumadaadu ka bixisaan hadalka Turkigu ku durayo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ee ay soo celinteeda u god galeen shacab tiro badani.

Ugu dambayn, Madaxweyne waxaanu ku leenahay waa la sugayaa oo la eegayaa jawaabta ay adiga iyo xukuumadaadu ka bixiyaan hadalkaas Dawladda Turkiga.