Siyaasiyiinta Reer Awdal Oo Ka Damqaday Sida Uu Cabdikariin-xinif Uga Hadlay Saamiqaybsiga Golaha Wakiilada

0
1002

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiyiinta reer Awdal ayaa ka damqaday hadal uu guddoomiyaha hay’adda Baracakayaasha Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), ku sheegay in bulshada Awdal ay saa’id dheeraad ah haystaan saami qaybsiga kuraasida golaha wakiilada.

Guddomiye Xinif, ayaa isagoo ka hadlaya saami qaybsiga iyo reer Awdal, wuxuu sheegay inuu aaminsanyahay in qadiyadan ay ku jiraan gacmo shisheeye, waxaanu Xinif yidhi “Anigu shakhsiyan aragtidayda waxaan odhan karaa dadka Awdal ka soo jeedaa tiradii ay lahaayeen oo 12 ahayd mid ka badan oo 14 ah ayay haystaan, waayo Hargeysa cidi ugama soo bixi jirin, cid baa uga soo baxday imika waana qof dheeraad ah, laga hadli maayo gobalkii Maroodi-jeex oo muu odhan waxa ka soo baxay dad aan hore uga soo bixi jirin, laakiin gobalka Awdal wuxuu leeyahay intii hore uga soo bixi jirtay  waxbaa naga dhiman waxa loo baahanyahay dee cadayn, cadayntuna waa tiro koob.”

Wasiirkii Boosaha ee xukuumadii Siilaanyo Mustafe Faarax Abraar oo u jawaabayay Xinif ayaa yidhi “Horta Cabdikariim Xinif maan garan sababta uu u dabo joogo reer awdal, reer awdal madaxweynaha waxbay ka tawdeen, waana madaxweynahoodii qarankana xaq iyo xuquuq bay ku leeyihiin waana dalkoodii, Cabdikariim afhayeenkii madaxweynaha iyo xukumadda maaha, nin ka shaqeeya barakacayasha sabab uu reer awdal u soo hadal qaadaa ma jirto, xubinta Gabiley ee Hargeysa ka soo baxday, Cali Gabiley nin reer borama ah maaha ee waa nin reer gabiley ah , xaq baanu u leeyahay inuu Hargeysa ka soo baxo cod ayaanu ku soo baxay, lamana odhan karo waa saayid.

Madaxweynahana way u balansanyihiin oo wax dhibaato iyo khlaaf meeshaas yaalaa ma jirto, markaas xinif waxaan leeyahay adigu ka leexo beelaha.”

Xoghayaha Beeraha xisbiga Waddani ayaa isna ka jawaabay hadalka Xinif, waxaanu yidhi “Sidaynu la wada socono beryahanba waxa soo dhacayay oo dhagaha bulshada reer Somaliland ku soo dhacayay hadallo kala duwan oo ay la anfariireen guud ahaanba bulshada Somaliland oo ka imanayay xubnaha loox tuurka ah ee ka tirsan xukuumadda xisbiga Kulmiye, erayo ay isticmaalayeen oo guud ahaaba qadaf ku ahaa guud ahaanba jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan si kooban uga hadli doonaa nin  kalmado shalay ka soo yeedhay oo farriin loo soo dhiibay u siday gobolka Awdal oo uu runtii gobolka Awdal u gudbinayo ninkaas oo ah Guddoomiyaha barakacayaasha somaliland xinif ninka la yidhaahdo. Maaha markii u horraysay ee farriintaa loo soo dhiibo horena waa loo soo dhiibay oo gobolka Awdal waa loogu soo dhiibay. Cabikariin waxaan u sheegi lahaa in masuuliyaddii qaranku uu u dirtay inuu dayacay waxa loo dirtay inuu daryeelo hooyada iyo dhallaanka barakacayaasha ah ee ku barakacay guud ahaanba jamhuuriyadda Somaliland gudaheeda kuwaas oo dayac iyo diif badani ka muuqato taas oo uu tahli kari wayay bustayaal inuu baco gaadhsiiyo. Waxa kale oo uu dayacay oo hore boqor buurmadow inoogu sheegay maatidii iyo ubadkii uu dhalay oo ku dayacan magaalada Burco. Cabdikariin waxaan odhan lahayn gobolka Awdal kaagama baahna inaad ka hadasho saamiga iyo waxay ka hadlayaan, martina kaagama ah kaamana sugayaan, kumana weydiisanayaan inaad ka hadasho waxay tebayaan gobolka Awdal. Laakiin waxay masuuliyadi kaa saaran tahay shaqadaa madaxweynuhu kuu dirtay ee aad qarankan masuulka uga tahay ee ah umaddaa dhibaataysan aad u baadi doonto bustayaal, baco iyo waxay ku baahi beelaan iyo qodobka labaad oo ah inaad dayacdo carruurtaada aad burco ku dayacday.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here